|

Shir lagu Darsayo Xog Ururinta Cudurada ugu badan ee bulshada Somaliland oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 25.Jan 2014 (SDN)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta Hotel Maansoor ee Magaalada hargeysa ka furtay kulan hawleed tababar ah oo lagu gorfeynayo xog ururinta cudurada ugu badan ee bulshada reer Somaliland ku  keena dhimashada.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay waaxda xog ururinta ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha wada shaqaynta la leh wasaaradda caafimaadka iyo hawlwadaeenada wasaaradaasi.

Madaxa xafiiska WHO ee Somaliland marwo Aasiya  Cismaan oo kulankaasi ka hadashay waxa ay sheegtay inay ka go’an tahay in la helo xog rasmiya oo lagaga hortago cudurada bulshada khatarta ku haya.

nimcoDhankeedana marwo Nimco Xuseen Qawdhan wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee JSL oo kulankaasi furitaankiisii hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in kulankan ujeedadiisu tahay in la dejiyo qorshe lagu soo ururiyo cudurada keena dhimashada ugu badan iyo sidii looga gaashaaman lahaa.

Marwo Nimco Xuseen waxay sheegtay in kulankan sidoo kale lagu dejinayo  hanaankii diiwaangelinta ee dadka dhalanaya iyo kuwa dhimanaya laftooda.

Tababarkan oo sidoo kale oo ka hadlay madaxa xog ururinta ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Cabdilaahi cabdi Yuusuf ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee Somaliland lagu qabto iyadoo markii hore ay Somaliland kaga qayb geli jirtay dalal shisheeye.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed