Shir lagaga hadlayo Sidii looga arrinsan lahaa Shaqaalaha ku Jira Miisaaniyada dawlada oo Hargaysa ka furmay
Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)- Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada oo ay weheliyaan maareeyayaasha madaxabanaan ayaa maanta shir uga furmay Hotel maansoor ee magaalada Hargaysa.
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Md Nuux sheekh Muuse Ducaale oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankan maanta u furmaya agaasimayaasha guud iyo maareeyayaasha madaxa banaan ay ujeedadiisu tahay sidii la isagu tashan lahaa oo looga faa’iidaysan lahaa shaqaalaha ku jira miisaaniyadda dawlada ee aan shaqooyin rasmi ah ka haynin hay’adaha ay ka tirsan yihiin
Agaasimaha guud ee hay’ada shaqaalaha Ibraahin Xaaji Nuur oo isna kulankaa ka hadlay waxa uu sheegay in dib u habayntii lagu dhawaaqay markii ay xukuumaddani xafiiska qabatay uu ahaa in dhamaan maamulka shaqaalaha la hoos keeno hay’adda shaqaalaha dawladda,
Md Ibraahin waxa uu sheegay in hay’adaha dawladdu ku dadaalaan inay shaqaale soo dalbadaan laakiin aanay marnaba xusin tayaynta shaqaalaha iyo dhimistooda, xilli ay jiraan shaqaale badan oo aan tayadii la rabay lahayn.
Md faysal cali sheikh Agaasimaha guud ee wasaaradda boostaha iyo isgaadhsiinta oo ku hadlayey afka agaasimayaasha guud waxa uu u soo jeediyey shirka in la qaato ardayda ka qalin jebisay jaamacadaha dalka kuwaasoo tayo laga heli karo, gaar ahaana awoodda la saaro qaybaha xisaabaadka iyo maamulka, isagoo sheegay Md faysal in shaqaalaynta ardayda jaamacaduhu ay yaraynayso tahriibta dhalinyarada
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com