Shir lagaga hadlaayey is dhexgalka bulshada ku nool uk ayaa lagu qabtay magaalada CARDIFF +SAWIRO
Cardif Feb 28,2014(SDN)-Waxaa maanta lagu qabtay munaasibad balaadhan magaalada cardiff ee wales. munaasibadasi oo ay soo qaban qaabisay haayada caalamiga ah ee looyaqaano BBC WORLD SERVICE. Barnaamushkeeda looyaqaano WORLD HAVE YOUR SAY.. munaasibadadan oo ahayd mid si heersare loo agaasimay ayaa laga dooday sidii bulshada somalidu ay u dhexgali lahayd bulshadan ay ku dhexnooshay oo ay ulaqsan lahayd. sidoo kale waxaa xafaladan goob jooga ahaa TVGA QARANKA SOMALILAND. oo ahaa tvga kaliya ee isaga lagu casuumay munaasibadan. waxana lays waydaarsaday doodo badan oo si toos ah uga baxaayey BBCDA laanteeda afka somaliga oo uu tabinaayey cabdiraxmaankoronto.. waxaa halkaasi kahadlay maxamud ducaale oo ahaa aqoon yahayn degan magaalada cardiff ahna odayaasha magaalada cardiff . maxamud waxa uu ku dheeraaday in bulshada somaliyeed inay si wanaagsan uga faa,idaystaan jaanisyada yaala wadamadan ay usoo haajiraan. oo ay wax kabartaan. aqoon haday tahay iyo haday tahay waayo araginmo ay dalkooda markay kulaabtaan ugu faa,ideyaan. dhinaca kale waxa isaguna halkasi kadal kahadlay gudoomiyaha tvga qaranka ee magaalada cardiff XAAJI CUMAR. waxa uu cumar kudheeraaday in umada afka somaliga ku hasha ee degan wadanka ay muhimtahay in si wanaagsan ay uga faa,idaystaan jaaniskaga ay haystaan ee ah in waxbarashada. iyo aqoonta kale duwan ee taala wadankan ay somalidu ka faa,idaystaan dhamaantood. oo aanay wakhtigooda ku dayicin waxaan faa,ido layn oo wakhti lumis ah.
ugu dambayntii munaasibadan ayaa ahayd mid aad iyo aad uladhaceen dhamaan dadki kasoo qaybgalay.,
waxana si gaar ah halkan loogu mahadnaqayaa dhamaan shaqaalaha tvga qaranka somaliland ee magaalada cardiff sida xilkasnimada iyo hawlo karnimadu ku jiro ee ay uga qaybqaateen hawshan
gudomiyaha tvga qaranka sln tv ee xaruntiisa cardiff XAAJI CUMAR. waxa aad ugu mahadnaqayaa nasir aden borame. maxamud ducale. khadar camera man.
abdi barud [ cabdi xarago]
BRISTOL UK