Shir lagaga Arrinsanayay Horumarinta Gobolka Hawd oo Maanta Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 30 March (SDN) Shir balaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen waxagaradka iyo dadweynaha Gobolka hawd oo lagaga wada tashanayey sidii loo horumarinayo Gobolka Hawd ayaa waxaa lagu qabtay Hotel hadhwanaag ee caasimadda Hargaysa.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Wasiirka wasaaradda caddaaaladda iyo garsoorka simaliland, Mudane Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka Diinta iyo awqaafta Sh Khaliil Cabdilaahi axmed iyo Badhasaabka Gobolkaasi Md Ibraahin Xaaji xasan Cali. ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii loo hagaajin lahaa la isuguna duwi lahaa qorshayasha horumarineed ee gobolkaasi. iyo xildhibaano ka tirsan golayaasha baarlamaanka.
Badhasaabka Gobolka Md Ibraahin Xaaji xasan oo ka hadlayey shirkaasi ayaa waxaa uu tilmaamay in daraasad ka soo baxday kormeer bilow ahaa oo uu ku soo maray guud ahaan deegaanada Gobolka ay ka soo baxday in gobolku ka mid yahay deegaanada aanay weli ka qabsoomin horumarkii loo baahnaa isla markaana ay tahay in la isu taago oo dhinac walba baahiyaha jira laga tashado sidii wax looga qaban lahaa.
mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Md Xuseen Axmed caydiid wasiirka cadaalada iyo garsoorka Somaliland, Wasiirka diinta iyo awqaafta Sh Khaliil cabdilaahi Axmed iyo xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo iyana shirkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood xusay sida ay lama huraanka u tahay in la iska kaashado horumarka gobolkaasi gaar ahaan dhinacyada arimaha bulshada iyo kaabayaasha nolosha. iyadoo kulankaa lagu qabtay guddi gaar ah oo isku dubbaridi doonta barnaamijyada horumarineed ee lagama maarmaanka ah.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com