Shir Ku Saabsan Kobcinta Kalsoonida Iyo Iskaashiga oo u Furmay Labada Urur ee Jaamacada Carabta iyo Midowga Africa
Qaahira 03. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Xarunta Jaamacada Carabta ee Magaalada Qaahira ka furmay shirweynaha Wadajirka ah ee kobcinta kalsoonida iyo iskaashiga ee Ururka midnimada Afrika iyo Jaamacada carabta iyadoo ay shirka soo xaadireen mas’uuliyiinta sare ee labadaasi Hay’adood.
Kulankan ayaa lagu eegi doonaa fulinta go’aamadii ay jaamacada carabta iyo midowga Afrika ku heshiiyeen kulan madaxeedkoodkii bishii December 2016 ku qabsoomay Xarunta Dalka Ginie Bisaw ee Galbeedka qaarada madow.
Haweenayda ururka midnimada Afrika u qaabilsan dhanka arimaha bulshada Amiira Faadil iyo Khalid al-habbaas oo ah kaaliyaha dhanka siyaasada ee Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta oo labadooduba ka hadlay kulankaasi waxa ay sheegeen ahmiyaha uu labada dhinacba u leeyahay kulankani oo waxii ka soo baxa ay dib ugaga wada hadli doonaan Madaxda sare ee jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika kulankooda qabsoomi doona ka hor dhamaadka sanadkan..