Shir Hal Garab ah oo uu Gadhwadeen ka Yahay Gudoomiye Faysal C.Waraabe oo Maanta loo Balansan yahay,Taageerada Xukuumada & Jawaabta Sharci ee laga rabo Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada
Hargaysa 07.November 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Saaka la filayaa inuu ka Furmo Adams Huteel Shir aan Caadi ahayn oo uu dhawaan iclaamiyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe kana dhigayo Kii ay ku Waajibisay Maxkamada Distooriga ah ee Ku Saabsanaa Khilaafka labada Garab u kala qaybiyey Xisbiga Ucid.
Markii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Shaaciyey in Shirkii Xisbiga Ucid uu Qabsoomayo 7 Bishan November oo Maanta ku beegan waxaa ka soo hor jeestay Garabka uu hogaamiyo Murashax Jamaal Cali Xuseen oo Iyaguna ku baaqay Shir kan ka soo hor jeeda oo ay u asteeyeen inuu dhaco Shalay oo bishu ahayd 6 Bishan November,Hasa yeeshee Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada qaranka oo Go’aanka Maxkamada Distooriga ahi ku Waajibinayo inay fulinta qaraarkaasi ku daba galaan labada dhinac ee Xisbiga Ucid ayaa ka dalbaday in Labada Garaba ay Joojiyaan Shirarka ay Shaaciyeen Isla markaana qabsadaan Hal Shir oo Ku Imanaya hal Gudi Qaban qaabo oo labada daraf ah,Garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa Doraad Sheegay inay u hogaansameen dalabka Gudida Diiwaangelinta balse Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa soo Jeedinta Gudida Diiwaangelinta Ganafka ku dhuftay isagoo sheegay in aanay awood u lahayn in Wax ka baxsan Go’aankii Maxkamada ay dusha kaga keenaan Waxaanu Xusay in iyagoo Fulinaya qaraarkii Maxkamada ee ahaa in Mudo Lixdan Cisho Gudahood ah ay ku qabsadaan Shirkooda aan Caadiga ahayn uu Yahay kan ay soo qaban qaabiyeen.
Waxaa dhinaca Kale Jira Tuhuno Tibaaxaya in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Shirkan uu ku Keliyeysatay ay dabada ka riixayso Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye Taas oo siisay awoodo dheeraad ah,Waxaana la filayaa in Shirkan Maanta aanay ka soo Xaadiri doonin Garabkii uu Hogaamiyo Jamaal Cali Xuseen,Hasa yeeshee Sida Sharciga axsaabtu dhigayo Waxaa Shirkan Sharciyadiisa Xalaalayn Kara Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada oo Lagu Martiqaadayo Furitaankiisa.
Waxayna Is weydiintu Tahay Sida ay Gudidani ku Xalaalayn doonaan Shir hal dhinac uu wato oo wax talo ah aan laga weydiin Garabkii Kale ee Xukunka Maxkamadu Jidaynayay inay Qayb ku yeeshaan Qaban qaabadiisa.
Wixii Warar ah ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Qurbejoognews.