|

Shir deeq loogu raadinayo Qoxootiga Soomaaliya oo Maanta ka Furmay Magaalada Brussels, Belgium

Brussels,21Oct,2015(QJ/SDN)-Shir lagu taageerayo qoxootiga Soomaaliya ayaa ka furmay maanta oo Arbaco ah magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, shirkaan ayaa waxaa ka qayb-galayaan wufuud ka kala socota Soomaaliya, Kenya, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo xubno ka socda 40-dal iyo hay’ado caalamka ah.

Dowladda Somalia ayaa waxaa shirkan uga qayb-galaya wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali, Kenya ayaa waxaa uga qayb-galayaan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Jen. Joseph Ole Nkaissery.

Waxaa kaloo ka qayb-galaya shirkan madaxa hay’adda qoxootiga adduunka ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyadoo ururka Midowga Yurubna uu uga qayb-galayo wafdi uu horkacayo wakiilkooda arrimaha dibadda iyo siyaasadda, Federica Mogherini.

“Kulankan waxaa looga hadlayaa sidii qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ku laabanaya loogu heli lahaa taageero caalami ah iyo weliba sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya si loo diyaariyo goobo ammaan ah oo ay qoxootigu dib ugu laaban lahaayeen,” ayuu yiri António Guterres.

Sidoo kale, wufuudda ka socda 40-ka dal iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ka doodi doona inta uu shirku socdo sidii qoxootiga Soomaaliyeed ee dalalka ku yaalla gobolka dib loogu celin lahaa iyo in la xalliyo meelaha la doonayo in la dajiyo qoxootiga, waxaa kaloo ay ka hadli doonaan sidii taageerada dhanka bani’aadamnimada ah loo xoojin lahaa.

Qodobbada ugu waa-weyn ee looga hadli doono shirkan ayaa waxaa ka mid ah; hagaajinta amniga, fulinta sharciga, dib u habeynta kaabayaasha bulshada sida; waxbarashada, biyaha, caafimaad, in shaqooyin la abuuro iyo in la taageero beeraleyda.

Barnaamijkan ayaa la sheegay inuu noqonayo mid la jaan-qaadaya barnaamijka New Deal-ka Soomaaliya ee dib loogu dhisayo Somalia, iyadoo fulintiisana uu u baahan yahay lacag dhan 500-milyan oo doollar, waxaana la sheegay in mashruucan fulintiisa la sheegay inuu soconayo illaa dhammaadka sannadka 2017-ka.

“Waxaan u baahannahay inaan Soomaaliya maal-gelinno, si qoxootiga dalalka gobolka ku nool ay dib ugu laabtaan dalkooda, ayna qayb ka qaataan dib u dhiska ka socda dalkooda,” ayuu yiri António Guterres oo intaa ku daray. “Fursaddan waxa ka faa’iideysanay ma ahan Soomaalida ku nool iyo kuwa qoxootiga ah oo keliya, laakiinse waxaan doonaynaa inay ka faa’iideystaan kuwa gobollada Somalia ku nool.”

Hay’adda UNHCR iyo hay’adaha ay wada-shaqeyntu kala dhexeyso ayaa waxay ka siiyeen gacan 5,300 oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo tan iyo bishii December ee sannadkii 2014-kii.

Ugu dambeyn, in ka badan 2-milyan oo qoxooti Soomaaliyeed ah ayaa weli si qoxootinimo ah ugu nool waddamada dariska la ah Somalia, kuwaasoo 420,000 oo qoxootigan ka mid ah ay ku nool yihiin xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halka 250,000 oo kale ay ku nool yihiin xeryo ku yaalla dalka Itoobiya.

 

Comments are closed