|

Shir Dareen iyo Xasaasiyad Xukuumadda ku Beeray oo Hargaysa ay ku Yeesheen Guutadii 3aad ee Ururkii SNM

Hargeysa 18 February, 2016 (SDN/QJ):- Xubno ka tirsan Guutadii 3-aad ee Jabhadda Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, ayaa la sheegay inay Shalay Shir Albaabbadu u xidhnaayeen ku qabsadeen Huteel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, kaasoo aanu jirin war faahfaahsan oo ay ka soo saareen ujeeddada ay u shireen.
Hase-yeeshee, sida ay xaqiijiyeen ila-wareedyo xog-ogaal ah oo ka agdhawaa Shirkaas ay qabsadeen Xubnaha Jabhaddii saddexaad ee Ururkii SNM oo dhawr iyo lixdan Xubnood tiradoodu ahayd, waxa ay Shirkaas kaga hadleen aayohooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed iyo xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo iyo qaabkii ay u horumarin lahaayeen kooxdaas.

Warku wuxu intaas ku daray in dood iyo falanqayn dheer oo Xubnaha Saddexaad ee Shirkan ku qabsaday Huteel Dalxiis ee magaalada Hargreysa ayaa isugu yimi ka dib ay doorteen Xubno Guddi ah oo si buuxda u meteli doonta Saddexaad, Afka Xubnaha saddexaadna ku hadli doona.

Guutada 3-aad oo ka mid ah Guutooyinkii ugu cadcaddaa Kooxihii ka wada tirsanaa SNM, ayaa wararku tibaaxayaan in Shirkoodan oo aan weli xog faahfaahsan laga hayn in sababda ay wakhtigan u shireen shaki badan muujinayso, iyagoo la sheegay in wakhti-siyaasadeedkii hore ay Xubnahan shiray taageero isla garab-taageen Xisbiga KULMIYE doorashadii 2010-kii, hase-yeeshee, lama oga wakhtigan inay siyaasaddaas beddeleen iyo in kale iyo weliba in kacdoon kale jiro toona.

Inkasta oo aanay weli caddayn ujeeddada iyo ajandaha Xubnaha 3-aad xilligan u shireen, isla markaana shirkoodani dareen xooggan ku dhalin doono dhinacyada siyaasadda Somaliland, haddana wixii warar ah ee ka soo kordha dhaqdhaqaaqyada 3-aad, waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa wararkayaga dambe haddii ILLAAHAY yidhaahdo Insha ALLAAH.

Comments are closed