Shir Beelaha Garxajis qabsanayaan oo la muddeeyey iyo Ujeeddadiisa la sharraxay Iyo Dareenada ku Meersan DAAWO
Hargaysa 08.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madax-dhaqameed, Wax-garad iyo Odayaal isaga kala yimi magaalooyinka Ceerigaabo, Burco iyo Hargeysa, ayaa Shir Jaraa’id ku qabteen magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen inay muddeeyeen Shirweyne ay Hargeysa ku yeelan doonaan Hal-doorka Beelaha Garxajis oo lagu qaban doono Hargeeysa.
Shirkan oo muddo qaban-qaabadiisu socotay, ayaa Madaxda Dhaqanka ee shirkaas jaraa’id ka hadlay, waxay sheegeen in loo muddeeyey 13-ka bishan aynu ku jirno oo ku beegan maalin Sabti ah. Waxaanay sheegeen in Shirkaasi yahay mid lagaga tashanayo horumarka iyo is-dhex-galka Beesha, wax siyaasad ahna aanu shaqo ku lahayn.
Salaaddiin, Boqorro iyo Cuqaal ka hadlay Shirkaas Jaraa’id iyo faahfaahinta ay ka bixiyeen ujeeddada shirkaas oo Xubno Madax-dhaqameed ahi hore shaki uga muujiyeen, uguna eedeeyeen mid uu dabada ka wado Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaannu hadalkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsna:-