|

Shir Balaadhan Oo Lagaga Hadlaayey Arimaha Nabad-galyada Caasimada Oo Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Dawlada Hoose

Hargaysa,27,February,2016 (SDN/QJ):- Shirkii bilaha ahaa ee Xafiiska N/Galyada iyo Gudiyada nabad galyada Dagmooyinka Caasimada Hargeisa oo maanta ka qabsoomey hoolka shirarka ee Xarunta Dowlada hoose ee hargeisa ayaa waxa ka soo qeyb galey dhamaan gudoomiyayaasha amniga ee dagmooyinka Caasimada hargeisa iyo xoghayaha fulinta maamulka caasimada hargeisa.

 

unnamed (41)Shirkaasi oo warbixin lagaga dhageystey Gudiyada nabad galyada dagmooyinka dhamaantood isla markaana lagu falanqeeyey lagagana hadley arimo khuseeya xoojinta amniga iyo kor u qaadka xasiloonida caasimada hargeisa kaasi oo lagu balamey in lasii wado shirkan bilaha ah ee amniga caasimada iyada oo dagmo kasta iyo xaafad kasta oo caasimada ka tirsan lagula balamey in ay sii wadaan shirarkoodii todobaad laha ahaa ee xoojinta amniga iyo ka hortaga xasilooni darada.

Dhinaciisana Xoghaya Fulinta dowlada hoose ee hargeisa waxa uu balan qaadey in uu taageero weyn siin doono dhamaan xubnaha amniga ka shaqeeya oo ay ugu horeeyaan gudiyada nabad galyada Caasimada hargeisa sidoo kale waxa iyagu halkaasi ka hadley xubno ka tirsan gudoomiyayaasha amniga dagmooyinka oo soo dhaweyn iyo wada shaqeyn dhow ugu bushaareeyey xoghayaha cusb ee dowlada hoose ee hargeisa. intaasi ka dib waxa uu xoghayaha fulinta maamulka caasimadu la dardaarmey gudoonka amniga dagmooyinka caasimada hargeisa in sii xoojiyaan shaqada amniga iyo ka horttaga xasilooni darada nabad galyada guud ee Caasimada hargeisa.

Waxaana kulankaasi aad loogu gorfeeyay sidii loo sii xoojin arimaha nabad gelyada caasimada oo aad iyo aad muhiim u ah iyo sidii marwalba ay iskugu xidhnaan lahaayeen haayadaha ay khusayso arimahasi iyo guddiyada nabadgelyadu.

Ugu dambayn kulankaasi ayaa ku dhamaaday jawi is afgarad iyadoo loo ballamay kulamo dambe.

 

 

Comments are closed