|

Shir ay Foodda isku dareen Hoggaanka Kulmiye Iyo Guddida Fulintu Oo Maryo Dhiig leh Lagu kala Furtay iyo Kornaylada Xisbiga Oo Libin lagala Carraaby

 

Hargesya:21-Oct-2013(SDN)- waxa Gebi ahaanba Burburay Shir la sheegay inuu Aqalka Madaxweyne-ku-xigeena uga socday Hoggaanka kulmiye iyo Guddida Fulinta oo u jeeddadiisu ahayd in lagu ansaxiyo Guddi Qabanqaabo oo la sheegay inay shirweynaha Qabanqaabin doonto.

 

kaahaSida aanu ku helnay wararka ayaa waxa la sheegayaa in la isku afgaran waayey shirkaas, islamarkaana lagu kala kacay, iyadoo waliba hadallo aan fiicnayna la isku adeegsaday, maadaama dhinaca aragtida iyo fikirkaba  lagu kala duwan yahay.

Markii Goobta la isku yimiba waxa Hadalka bilaabay Hoggaanka sare ee xisbiga waxana ay ku wargeliyeen Guddida Fulinta inay Go’aansadeen in Tirada Guddida fulinta kor loo qaado, maadaam uu xisbigu haatan salballay, iyagoo intaas u raaciyey inay buuxiyeen tiro kale oo ka bannaanayd Golaha Fulinta, iyadoo hadal kalena ka bilaabmay Guddida qaban qaabada oo xubno  badani ka biyo diidsan yihiin.

Guddida Fulinta ee Xisbiga oo la sheegay inay badidoodu garabsaar la leeyihiin Wasiir Samaale oo isagu xajka ka diraya farriimo kala duwan ayaa ka soo horjeestay soo jeedinta hoggaanka xisbiga ee dhinaca Buuxinta jagooyinka bannaanaaday  ee Guddida, waxana ay taasi keentay in la si afgaran waayo, maadaama Xubnaha Guddida intooda badani ay qabaan dardaaran ah inaanay si yar ku aqbalin soo jeedimaha Hoggaanka xisbiga.

 

Sharciga Xisbiga Kulmiye ayaa dhigaya xubinta guddida Fulinta noqonaysaa in ay marka horeba ka mid noqoto xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taasoo dabraysa xubnaha Hogaanku ku soo dareen Fulinta oo qaarkood aanay kaba mid ahayn Golaha Dhexe ee Xisbiga.

 

Sidoo kale, xubnaha lagu soo buuxiyay jagooyinka ka banaanaaday gudida fulinta ayaanay qaarkood ka mid ahayn xubnaha Golaha Dhexe taasoo iyana mar kale la isku qabtay sharcinimadooda, waxana halkaas ka muuqday inay waxoogaa hoggaanka sare ee xisbigu ay sharciyadda baalmarsan yihiin.

 

Labadan arrimood ayaa keenay in uu hakad galo shirkii Gudida Fulinta iyo Hogaanku ku yeesheen Guriga Madaxweyne ku-xigeenka, kaasoo wararka naga soo gaadha sheegayaa in xaraaradiisu ay marba mark aka danbaysa cirka isku sii shareeraysay.

 

Shirkan oo ay saxaafaddu bannaanka ka joogtay ayaa u muuqda mid ay cududa sare ku lahaayeen Golaha fulinta ee xisbigu, taas oo guul u ah wasiir samaale oo isagu wadda kasta u maraya sidii uu u gaadhi lahaa hammigiisa ah inuu dibadda dhigo kornaylada xisbiga haatan maamula oo ay si aad ah isku hayaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed