Shil Diyaaradeed oo Mar kale ka Dhacay Garoonka Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi iyo Hakad ku Yimid Duulimaadyadii
Nairobi:jan,05,2015(SDN/QJ)-Shil diyaaradeed oo la sheegay inaanu keenin khasaare Nafeed, ayaa goor dhaweyd ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyata, kadib markii diyaarad ka timi dhinaca magaalada Wajeer ay halkaas ku kuftay.
Wararka laga helayo Shilkaasi sida uu u dhacay, ayaa sheegaya in diyaaraddan oo ahayd nooca yaryari ay kasoo duushay dhinaca magaalada wajeer ee Waqooyiga Kenya, taas oo markii ay isku dayday inay Garoonka Jomo fadhiisato ay u bixi waayeen Taayirradii, isla-markaana ay candhada dhulka ku dhufatay.
Halkaas ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay bubur ku yimi diyaaraddii, taas oo sidoo kale jiidhay qaybo kamid ah garoonka, waxana la hakiyey gebi ahaanab duulimaadyadii kusoo deji lahaa Garoonka Jomo kenyata.
Afhayeen u hadlay Garoonka Jomo, ayaa sheegay in goor dhaw la nadiifin doono burburka ka dhashay shilka diyaaradaasi gashay, waxana uu tilmaamay in dhawaan duulimaadyadu si fiican u fadhiisan doonaan Garoonka Jomo.
Shilkan ayaa ah midkii ugu horreeyey sanadkan cusub eek a dhaca Garoonka Jomo, waxana hore sanadkii hore Gudaha Kenya uga ka dhacay Shilal dhawr ah oo keenay khasaare Naf iyo maalba iskugu jira, kaas oo inta badan ku yimi diyaarado qaadka u qaada Gudaha Somalia.