|

Shil Diyaaradeed Oo ka dhacay Air port-ka Muqisho ee Aadan Cade International

Muqdisho April 18 2013 (SDN)— Duhurnimadii Maanta Xili Garoonka Aadan Cadde ay Yaleen Dhowr Diyaaradood Oo ay qeyb ka aheyd Diyaarada Turkish Air weys ayaa Waxaan garoonka Soo Caga dhigatay Diyaarad La sheegay In ay U socotay Ciidanka Amisom Ee Jooga Dalka.

Diyaaradaan ayaa Markii ay soo Caga dhigatay Islamarkaana la barking gareynaayay sida la sheegay Hagihii Diyaarada Ee Dhulka Joogay Una Sinyaaley naayay Bayloodka Waxa Uu Arkay Garab kamida Garbaha Diyaarada Oo ku dhici raba Diyaarada Turkish Air weys Ee Garoonka Taalay.

Hasa yesheen Digniin bayloodka Uu siiyay Hagihii Diyaarada Ee Sinyaalaha bixinayay ayaa la sheegay In bayloodka Uu Garan waayay Kadibna ay dhacday In Diyaaradan Oo lasheegay In ay U socotay Amisom ay Gabarka ku dhifato Diyaaradii Turkish taas Oo keentay In shilku Uu dhaco.

Dab damiska Garoonka Oo Durba Soo Cararay ayaa ku guuleystay In Damiyo Si Diyaaraduhu aynan qaraxyo u sameyn Waxaana Haatan Garoonka Si wada Jir ah U yaala Labadii Diyaarad Oo Bur bur Uu ka Muuqdo.

SDN-Muqdisho

Comments are closed