|

Shil Baabuur oo khasaare sababay oo ka dhacay duleedka Koonfureed ee Hargeysa iyo magacyada dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay

Hargeysa 20, August 2012 (SDN)- Alle haw naxariistee saddex qof ayaa ku geeriyooday, laba kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay duleedka Koonfureed ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Siday xubno eheladooda ka mid ahi u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com, shilkaas oo uu sababay baabuur Mark II ahi, waxa uu xalay ka dhacay jidka haatan dib-u-dhiskiisu socdo ee isku xidha Hargeysa iyo Sallaxlay, waxaana ku dhintay saddex nin oo laba ka mid ahi walaalo ahaayeen.

Warku wuxuu intaa ku daray, in wadihii baabuurkaas iyo wiil yar oo ay walaalo yihiin ku dhaawacmeen shilkaas, iyadoo dhamaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba isku qoys yihiin, ka dib markii baabuurka ay wateen kula gedoomay meel u dhexaysa Hargeysa iyo magaalada Toon oo 18 KM dhinaca Koonfureed ka xigta caasimadda.

Dadka baabuurka ay wateen ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayba, waxay sida la sheegay ka soo laabteen booqasho ay Ciidul-Fitriga darteed ku tageen degmada Sallaxlay oo ilaa 63 KM dhanka Koonfureed kaga beegan Hargeysa, wuxuuna shilkaas ka dhacay qayb ka mid ah inta haatan dhismaheeda la dhamaystiray ee jidka wadada Cad, kaasoo dib-u-dhiskiisa la bilaabay badhtamihii bishii Juun ee sannadkan.

Saddexda qof ee ehelka ah ee shilkaas ku dhintay, waxa maanta duhurkii lagu aasay magaalada Hargeysa, halka kuwa dhaawacmayna isla xalayba daawayn loogu gudbiyay cusbatalka guud ee Hargeysa.

Inkastoo aanay noo suurtogelin in aanu helo magacyada dhimashada iyo dhaawaca oo dhamaystiran, haddana waxa la sheegay in laba ka mid ah saddexda dhintay oo walaalo ahaa la odhan jiray ilma Yuusuf Ducaale, halka labada dhaawacmayna la yidhaahdo ilma Cabdi Daahir-Baraar.

Muddooyinkan dambe waxa soo badanaya shilalka gaadiidka, taasoo inta badan lala xidhiidhiyo khibrad yaraan lagu xidhiidhiyo wadeyaasha baabuurta.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed