|

Shil Baabuur Oo Khasaare Balaadhan Gaystay Oo Galabta Ka Dhacay Wadada Cad Iyo Khasaaraha Ilaa Hadda Ka dhashay

indexHaragaysa:03,June,2014(SDN/QJ)- hal Qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 20 qf-na wey ku dhaawacatahay  ka dib markii ay isku dhaceen laba Gaadhi oo Xamuul ah oo ku sii jeeday Magaaladda Sallaxley.

Wararka ay helayso shhabakadda Qurbejoog.com,ayaa sheegaya in labada gaadhi oo goor danbe oo Maanta ka baxay Magaaladda Hargaysa ay isku dhaceen iyaga si xawli ah ku socday Jidka Wadada cad ee isku Xidha Haragsya iyo Sallaxley.

Ilaa hadda la ma hayo Faafinta rasmiga ah ee ah Khaasaraha Hanti iyo Nafeed  ee jira,balse wararka aanu helayno ayaa noo sheegay Dhimashadda Hal Qof oo Dumar ah oo ay Walaalo Yihiin Maayarkii hore ee Magaaladda Sallaxey Cabadi Macalin.

Waxa Isbitaalka guud ee Magaaladda Hargaysa Buux dhaafiyay Ehelalada iyo Asxaabta Dadka ku Waxyeeloobay Shilkan Naxdinta leh ee Galabta ka dhacay Wadada Cad.

Waxii warar soo kordha dib baanu idiinka soo sheegi doonaa

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidasporanews.com

 

Comments are closed