|

Shiinaha oo Soomaaliya ka caawinaya adeega Caafimaadka

Muqdisho December 05, 2024(QJ) – Dowladda Shiinaha ayaa ballan qaad weyn oo la xiriirta dhanka caafimaadka u sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa si gaar ah u dhexmaray Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Adam iyo Safiirka Shiinaha, Fei Shengchao, oo booqday xarunta Wasaaradda Caafimaadka.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Labada dhinac ayaa isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo sare u qaadida iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradaha caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Intaa ka dib, danjire Fei Shengchao ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyo badan oo dhanka caafimaadka ah, ayna sii laba jibaari doonto dadaallada Shiinaha uu kaga qeyb qaadanayo horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya wasaaradaha caafimaadka ee dalalka horumaray si loo gaaro hadafka laga leeyahay oo ah in dhammaan gobollada dalka ay helaan daryeel caafimaad oo dhameystiran.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee taageerada xooggan siiya dowladda Federaalka, isagoo ka caawiya dhinacyo kala duwan sida caafimaadka, waxbarashada, iyo arrimaha bini’aadantinimada.

Comments are closed