|

Shiinaha oo Mareykanka ku canbaareeyay taageerida heshiiska Taiwan iyo Somaliland

Muqdisho November 26, 2024(QJ) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka, kaas oo lagu taageeray xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, laguna weeraray iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ayaa sheegay in maamulka Taiwan uu si gaar ah u faragelinayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay xiriir la sameynayaan kooxo gaar ah oo ka tirsan maamulka Somaliland si ay u gaaraan ajandahooda gooni-goosadka ah.

Tallaabooyinkan ayuu afhayeenku sheegay in ay dhaawac weyn ku yihiin midnimada iyo danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jirto kuwa Somaliland.

“Shiinuhu waxa uu Soomaaliya kala shaqayn doonaa ilaalinta midnimada qaranka, madax-banaanida, iyo midnimada dhuleed,” ayuu yidhi afhayeenka safaaradda.

Dowladda Shiinaha ayaa iftiimisay in iskaashiga ay la leedahay Afrika uu ku saleysan yahay saaxiibtinimo dhab ah, is ixtiraam iyo faa’iidooyin la wadaago.

Iskaashigan, ayuu Shiinuhu sheegay, inuu faa’iidooyin la taaban karo u keenay dadka Afrikaanka ah, iyada oo ujeedadu tahay in la dhiso bulsho wadaag ah oo ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika.

Safaaradda ayaa intaa ku dartay in ajande kasta oo siyaasadeed oo la doonayo in lagu carqaladeeyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika aysan waxba ka bedeli doonin midnimada xooggan iyo iskaashiga labada dhinac.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha, gaar ahaan saameynta Taiwan iyo Shiinaha ee Afrika.

Comments are closed