|

Shiinaha oo ka carooday masuul ka socda Taiwan oo booqday Somaliland

Beijing (QJ)- Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa ka hadlay booqashadii mas’uul ka socday dalka Taiwan oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka “Madaxweynaha la doortay” ee Somaliland.

Shiinaha ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in dowladda Soomaaliya ay ku dheganaato mabda’a Hal-Shiinaha ah, waxayna si adag u taageertaa Soomaaliya si ay u difaacdo madax banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed, ayuu yiri Mao Ning oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda.

Mao ayaa ku celceliyay in uu jiro hal Shiine oo kaliya, jasiirada Taiwan-na ay tahay qayb aan la kala maarmin oo ka tirsan Shiinaha. Isku dayga xisbiga Dimuqraadiga ah ee Taiwan uu ku doonayo inuu madax banaani ku raadiyo dariiqo dibadda ah iyo kala qaybinta dalka ayaa la filayaa inuu fashilmo.

Francois Wu, oo hogaaminaya wefti ka socda Taiwan, ayaa booqasho ku yimid Somaliland, waxaanu ka qayb galay xaflada caleemo saarka “Madaxweynaha la doortay” ee Somaliland.

Comments are closed