Shiinaha oo ayiday qorshe gargaar lagu gaadhsiinayo Syria
Beijing Feb 29,2012(SDN)-Wasiirka arimaha dibada ee xukuumada Shiinaha ayaa sheegay in ay ayidsan yihiin dedaalka caalamiga ah ee lagu doonaayo in gargaar lagu gaadhsiiyo wadanka Suuriya , ka dib markii uu hadal dhinaca telefoonka ah uu kula yeeshay Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta .
Geesta kale , ciidamada Suuriya ayaa weerar cusub oo balaadhan maanta ku qaaday magaalada Xumis , sarkaal ka tirsan xukuumadda Suuriya oo aan magaciisa sheegin ayaa sheegay weerarka haatan bilaabmay in uu yahay mid lagu doonaayo in lagu nadiifiyo magaalada Xumis , gaar ahaana degaanka Baabul Camar.
Waxaana degaankaasi ku jira boqolaal dagaal yahano ah ooh ore uga soo goostay ciidanka xukuumada Suuriya ,Ciidamada Bashaar AL-Asad ayaa magaaladaasi duqayn culus ku hayay muddo 4 toddobaad ah.
SDN-Bijing