|

Shiidaalka Laga Baadhayo Gobolada Bari Waa Guul Weyn Oo Qaranku leeyahay

Waxaa beryahan Somaliland laga wadaa wejigii koobaad ee gobolada bari lagaga baadhayo shiidaal, baadhistaasoo ay wado shirkada way nee General Energy, taasoo ah shirkad wayn oo adduunka sumcad iyo magic ku leh kuna can baxday shiidaal qodista.

Sida aynu ka wada warqabno waxaynu nahay qaran imika soo koraya oo aan weli adduunka ka Helen aqoonsi caalamiya iyo taageero dhaqaale toona, iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa guul inoo ah in dalkeena ay yimaaddaan shirkado waaweyn oo diyaar u ah in ay maalgashadaan dalkan curdinka ah ee Somaliland, sidoo kalena ay muhiim tahay in si wada jir ah loo soo wada dhoweeyo cidkasta oo doonaysa in ay Somaliland maalgashadaa {International Investment}, taasoo dalka u horseedaysa horuumar dhaqaale oo buuxa.

Hadaba haddii ay Somaliland ku guulaysato in dalka laga soo saaro shiidaal taasi waxay noqonaysaa in laga midho-dhaliyey himiladii ay Somaliland higsanayso oo ah horuumar ay hesho bulshada Somaliland, adduunku wuxuu ku la hormaray qayraadka dabeeciga ah ee dal waliba leeyahay, tusaale ahaan wadamada carabta oo waqti aan fogayn ahaan jirey wadamo saxare ah oo gaajo iyo dayac loogu dhiman jirey waxay horuumarkaa ku gaadheen markii ay la soo bexeen khayraadkoodii dalkooda ku jirey oo ay ugu horeyso shiidaalka ay la soo bexeen.

Waxaa looga baahan yahay shacabka Somaliland in ay soo dhoweeyaan shirkada shiidaalka dalka ka baadhaysa taasoo u diyaar ah in ay lacag aad u fara badan ku bixiso sidii loogu guulaysan lahaa soo saarista shiidaalka Somaliland ku jira, mana haboona in si khaldaan bulshada wax loogu sheego oo la yidhaahdo cid gaara ayaa ka faa’iidaysanaysa mashaariicda lagu baadhayo shiidaalka, fekerka noocaas ahi maaha mid bulshada dani ugu jirto ku ku fekerayaana maaha dad caqli iyo aqoon u saaxiib ah ee waa kuwo doonaya dano gaar ah oo iyaga u khaas ah.

Waxaase haboon in si wada jir ah looga shaqeeyo sidii mashruucan ballaadhani u noqon lahaa mid guulaysta oo shacabka Somaliland kaga baxaan dhaqaale xumada ayna ku gaadhaan barwaaqo, cidkastaana ama dalka kasta oo adduunka ka mid ahi wuxuu ku faanaa khayraadka illaahay siiyey, inana waxaa la inoo ka baahan yahay in aynu ka fekerno sidii aynu ula soo bixi lahayn khayraadka dihin ee dalkeenu hodanka ku yahay, waana ta keliya ee ah dhaxal aynu uga tegayno ubadkeena iyo mustaqbalka danbe ee Somaliland.

Sida aynu la wada socono xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo}, waxay dedaal u gashay sidii ay dalka u keeni lahayd shirkado ina ka caawiya sidii aynu ula soo bixi lahayn khayraadka dalkeena, taasna waa lagu guulaysto oo dalka waxaa timid shirkad wayn oo inoo bilowday baadhista shiidaalka, balse waxaa ayaan darro ah in la carqaladeeyo ama la isku dayo in la is hortaago mashaariicda lagu baadhayo shiidaalka dalka, dadka sidaa isku deyayaa waa kuwo diidan horuumarka Somaliland iyo in shacabka Somaliland ay gaadhaan horuumar.

Dadka ku nool gobolada bari oo ah gobolo ka danbeeya gobolada galbeed haddii la eego dhinaca waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo adeegyada kale oo aas-aasiga ah ayaa nasiib u helay in ay noqdaan gobolada laga baadhayo shiidaal qodista, markaa ma haboona iyaga oo u baahan horuumar in ay is hortaagaan mashaariicda ay nasiibka u heleen, cida ugu badan ee faa’iidada ugu badan ka helaysa haddii lagu guulaysto shiidaalka la baadhayo waa dadka ku nool gobolada bari.

Hadaba waxaa loo baahan yahay in ay fahmaan in ay heleen jaanis aan soo mari doonin haddii ay kan diidaana aan cid danbe wax u qabanayn, waxaana ku waajib ah in ay soo dhoweeyaan shirkadan way nee shiidaalka baadhaysa ee General Energy, oo ah shirkad dhaqaale badan ku bixinaysa sidii loogu guulaysan lahaa shiidaalka Somaliland soo saaristiisa.

Hadaba waa in la soo dhoweeyo oo lala shaqeeyo shirkadan shacabkuna ka faa’iidaystaan arrintan guusha ah ee bulshada Somaliland ay ku jirto noloshooda iyo mustaqbalkooduba.

Cabdiillaahi Axmed Caarshe, Hargeysa Somaliland

Comments are closed