|

Shidaal Dhan 40-Bilyan Oo Galaan Oo Muddo Saddex Sano Ah Laga Soo Saari Doono Dhulka Soomaalida Ethiopia

Jig-jiga:Sep,11,2015(SDN/QJ)-Soomaalida ku dhaqan Gudaha dhulka Ethiopia, ayaa war farxad leh ka heshay shirkad  fadhigeedu yahay Shiinaha oo lagu magaacabo Poly Technology, taas oo shaaca ka qaadday in uu shidaalka degaanka Soomaalida ‘Ogaden’ ay muddo 3 sano ah ku soo saarayso.

dhnShirkadan oo hawlo sahamin ah ka wadda qaybo Itoobiya ah ayaa aduun dhan 5 bilyan oo doolar  gelinaysa Gudaha Ethiopia, si ay shidaalkaas ay tuhusan tahay usoo saarto.

Masuuliyin ka mid ah shirkada oo maalintii shalay kulan la yeeshay madaxweynaha Itoobiya ayaa baahiyey in shidaal dhan 40 bilyan oo galaan laga soo saarayo Ismaamulka Soomaalida 3 sano kadib.

Qaar ka mid ah warbaahinta daneysa degaanka Soomaalida ayaa maalmo yar ka hor tibaaxay in wufuud heer federaal iyo kilil ah oo ay wahiliyaan khubaro Shiinaha ka socdaa ay booqdeen xaruumaha shidaalka ee ku yaal gobolada Qoraxay iyo Shabeele.

Madaxweyne-ku-xigeenka shirkada Poly Technolgy, Huan Geming, ayaa qasriga madxatooyada kula kulmay madaxweynaha Itoobiya – Mulato Teshome.

Teshome ayaa Shiinaha ku amaanay maalgashiga iyo taageerada dhinacyada badan leh ee ay u fidiyaan Itoobiya.

Wafdiga Shiinaha ah ayaa dhankooda ka xusay in labada dal yihiin wadamo saaxiib ah oo iskaashada.

Huan Geming ayaa sheegay in shirkado dhiseyso dhuun dheer oo isku xidha Ogaden iyo Jabuuti si gaaska dabiiciga ah loogu dhoofiyo wadamada Yurub ee dalal kale.

Waxaa xusid mudan, in qaar ka mid ah warbaaihinta reer Galbeedku ay hadda ka hor sheegeen in jabhada ONLF ay carqaladayn karto mashruucan inkastoo ay ciidmada Itoobiya ONLF wiiqeen milatari ahaan.

Dhinaca kale, waxaa jira wadahadalo aan weli midho-dhal noqon oo u dhaxeeya ONLF iyo Itoobiya oo ay xukuumada kiiniya, oo daris la ah Itoobiya, daadihineyso.

Dadka degaanka ku dhaqan ayaa goobaha shidaalka laga qodayo u yaqaana jeexdin iyo Ilaale, halka Itoobiya inteeda kale looga yaqaano Kaaluub.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed