|

Sheeko: Jacaylkii dhicisoobay!!!

GUULEED

Waa galab cedceedu liiqa dhigtay waxaan ka soo toosay hurdo aan kaga raystay hawshii aan maalinta so qabtay ee uu ka kaw ahaa schoolki aan waaga dhigan jiray , dibada ayaan u baxay si aan u soo casariyeeyo .waxay ahayd goor dambe ,waan dagdagaayay si aan goor hore guriga ugu soo baqoolo,oo aan u sii wado hawl maalmeedki I hadhsana ,sida casharada schoolka.

Indhahaygu waxay qabteen inan quruxbadan oo aad moodo masciideed, midabka dhalaalaya iyo dhoolacadaynteedu waa mid aad isoo jiitay,

Duhurnimadii waxa da’ay roob lagu doogsaday oo maasheeyay magaalada, dabaysha iyo boodhki jilaalkana ka jafay,waxa gallabtaas dhulka daadsana xareeda ay indhuhu soo jiidanayso ,markaad isku eegto xareeda iyo midabka quman.

Haddaba, quman waxaanu is baranay maalintaas ,quman naftaydu way raacday si dhab ah niyadana ku sidigtay jacayl aan sal guurayn,indhahaygu waxay sidii laan u leegleegmanayaan kalkacaylka iyo muxubada aan u qaaday quman,

Quman waxay ahayd ardayad wax ka barata schoolada magaalada ,se anigu makraas waxaan ka sareeyay 3 sano, waxaa kalgacaylkeedii noloshayda ku saaqaba , quman maadama oo ay 3 sano iga hoosaysay waxaan damcay in aan caawiyo oo aan qayrkeed dhaafiyo sidiina waan yeelay hawshuna way isku duba dhacday ,dhanna quruxdeeda iyo midabkeeda alle ku manaystay ayaan ka daawanaya dhanna wax ayaan uga marinaya ,quman waxay lahayd quruxda ka sakow dadnimo la dhaqan ,caqli , edeb ,diin iyo akhalaaq wanaagsan oo alle haybad u siiyay ,quman waxay ahayd xaafidad, waxayna ka dhalatay qoys diimeed, waxay sheekadu halkaas noo martaba quman waxaanu soo bandhigay kalgacaylki noloshaydu u qabtay si ay illa waadaamiso muxubada iyo kalgacaylka nasiib daro se mudo 7 bilood ah way ka warwareegaysay arintaas, mudo markaan ugu soo celceiyo in aan jecelahay ayaa waxaan u boqoolay xagaas iyo baadiyaha si aan fasaxayga yar ugu soo qaato una soo nasto caanan u soo dhamo,xili gaaban markaan joogay ayay ila soo hadashay quman waxayna tidhi “asc Qumane see tahay waxaan ku rajayna inaad iska fiicantahay  mudo kulaman hadlin ,hadalkaagina maan maqlin waxaan doonaya in aad magaaladi timaado oo aynu kulano hadyad qaaliyana wan ku hayya’

INtaas markay igu tidhi ee aanu isa macasalaamaynay ayaan suaalo dhawr ah is waydiiyay,

Si dagdaga ayaan ugu soo laabtay magaaladi markaas aan dagana , waxaan si dagdaga ula kulmay quman ,waxayna is ii dhiibtay hadyadii ay ii sheegtay in ay ii diyaarisay hadaladeedi waxan ka sii xasuusta :-“qumane markaad xaafada qabato eeg oo kala fura” sidaas ayaan yeelay gurigiii ayaan u soo baqolay si aniga oo dagdagsan xiiqsan sugi kari la’a , SI dagdaga ayaan u furay mise waaba hadyad cajiiba oo aan baryo dhan sugayay waa buug u ku xardhanyahay wadne jacayl ah oo si farshaxanimo ku dhisantahay lo soo sameeyay udgoonkiisana jaarka laga soo urinaayo ,waxa kale oo ku jiray ubax cas iyo qalin .

Waxay sidaas ahaataba quman way ii sheegtay in ay I jecashahay igula faraxsantahayna in ay aasaasan jacayl ay ku dhisantahay diinimo iyo akhalaaq wanaag .

Waanu gardaadinay jacaylki ila uu ka gaadhay mid qaangaadh ah,dadkii naga ag dhawa iyo asxbaatina nagula farxeeen ,jacaylku sidiisaba mar waa farxad marna waa murugo, waqtigaasi Waxa uu ii ahaa waqtiyadi noloshayda ugu farxada iyo isbadalka badna,sababto ah quman waxay ahayd gabadh diiniyan iyo akhalaaqiyan dhisan,se nasiib daro jacaylkii labbadayada naga dhaxeeyay,wuxu noqday mid dhicisoobay ,sababo khilaafad ah awgeed ,

Hada quman waa waxay u doonantahay will .anna waxan leeyahay sida tan;

Aniguna kumaan gabin adna ima goynine waayaha ila gaabshee Hadii guri aad leedahay oo lagula aqal galay geeliyo gamaan faras ayaan kugu galbinayaa, Waxa golaha la keenaa arin aad gorfaysayoo aan gocasho reebine Way garasho waayeen haday gacalka gooyeen anna gob iyo caadil ayaan kugu galbinayaa Gafna maad samaynine calaf baa kaa galay halkaad galabta taalee Ubadkoo gargaaraan arooskaaga geeyoo duco aan gaboobin ayaan kugu galbinayaa Doqon baan gu iyo dayr kala garan miday tahoo kolba hadba dhinac u guurtee Kalgacaylka guunkii inuu gaaxdo moyee sina kuma gaboobee Aniguna gadaal dhalad kuma garab dhigayoo ilamma gudboonee Galbiskiyo go iyo shaal hideena gaarkaa ubax guniyo baar baxay Ayaan kugu galbinayaa duco aan gaboobin ayaan kugu galbinya Anna gob iyo caadil ayaan kugu galbinayaa Geeliyo gamaan faras ayaan kugu galbinayaa Farxad aan dhamaanayn ayaan kugu galbinayaa.

Hadana waxaan hadalki ku soo gunaanaday sida tan;

walow aan asaagaa adiga kuugu jecelahay oo aad ilwaadeey adiguna ogsoontahay afka kaama lihiyee ay uurka iga tahay amaana allah inanyahay aakhirana wayn isku arki doonaa, axdi waa aduunyee adigaa irdhoobee oo axdigaynu dhiganiyo wacadkii iloowdee ifka intaad ku nooshahay kaa aarsanmaayee amaana allah inanyahay aakhirana way way way isku arki doonaa.

Dhamaad

W/Q: Cabdirisaaq Guuleed

Hargeysa, Somalilad

Comments are closed