SHEEKO GAABAN: Dayac Waalid! – W/Q, Mustafa Aadan Nuur
Habeen kii oo dhan waxaan ku dhammaystay sariir uu yaallay dhinaceeda. Kolba waan soo hinqannayay, madaxa oo aan taataabto mooyee awood kale oo aan wax ugu qaban karayay may jirin. yeedhmadiisii taahii iyo jibaad kii xumaddii lagu shaqlay ee uu dhinaca la dhigi la’aa ayaa iga goynayay fikir iyo walaac aan
noloshiisa aan ka walaacsannaa. Saacaddu markay tahay kowdii habeenimo ayaan ku fekeray in aan magaalada ka soo raadiyo meel furan oo aan kiniin xumaddeed ama goob gargaar degdeg ah lagu sameeyo ka dayo. Waxaan kaga bilaabay oo aan orod ku imi cusbitaalka wayn ee Hargeysa, waxaan ku xigsiiyay, dhammaan cusbitaalada gaar ka loo leeyahay ee magaalada intii aan orod iyo gucle ku gaadhi karayay oo dhan. Meel furan waan soo waayay. Cusbitaal ka wayn oo albaabka wayn ee birta ah ee koonfur u jeedaa uu furnaa mooyiye. Furnaanshaha albaab kaasi uu furnaa sababtiisa maan garan, waxaan se u fahmay haddii dad ka yaala qaar ka mid ah ay naftu ka agguugto in dadkoodu ay kala baxaan uun maydkiisa. May jirin ujeedo kale oo uu u furnaa albaabkaasi. Cusbitaal ka wayn markii aan soo gaadhay, waxaan si degdeg ah ugu baydhay qolal ka gargaar ka degdega ah oo dhammaan tood ay albaabadu u xidhnaayeen. Waxaan dhex wareegay cusbitaalka oo dhammaantii madawga aad ka baqayso in uu waraabe kaa dhex qaato. Waxaan maqlayay uun jibaad ka dad ka buka ee cid wax u qabataanna aannay ka agdhowayn. Anniga oo quus ah ayaan ku soo noqday dhinacii sariirtii bilaa miciin ka ahayd ee uu aabbahay yaallay aan kaga fadhiyay.
Aroortii hore markii uu waagu beryay ayaan gaadhi kula soo orday oo aan u keennay farmasi uu gaar u leeyahay wasiir ka Wasaarada caafimaad ka Somaliland oo ku yaala magaalada Hargeysa. Markii aan soo horjoogsaday farmasigii waxaan arkay dad soddomeeyo ah oo in ay saaka iga soo hor kalaheen oo iga firfircoonaadeen iyo in ay sii seexdeen aan kala garan waayay. Waayo waxay ahayd shantii subaxnimo. Aabbahay xaaladiisu way kasii liidatay dhammaan dad kii kaga soo horeeyay kuyuuga, muu fadhiyi karayn manuu jiifi karayn. Si haddaba dadka iga soo horeeyay na aan u xaq siiyo,waxaan ka codsaday inan kii farmasiga fadhiyay in uu gaadhi curyaan ka yar ee la riixo igu caawiyo, si aan gaadhigana ugaga soo dejiyo aabbahay, inta uu sugayo dad ka ka horeeyana uu u dul yaallo. Markii aan waydiiyay waxa uu inan kii igu yidhi ‘’qolkaa yar riix oo kala soo bax’’ qol albaab siliig ah leh baan hor istaagay oo aan riixay. Waxaan arkay in uu hoos ta ka xidhan yahay waayo korkiisa wax dagagar ah iyo quful toona kumaan arkayn. Inta aan ku soo noqday inan kii ayaan ogaysiiyay in uu xidhan yahay. Markaasuu isaga oo foorara oo telefoon ka gacanta ku mashquul san igu yidhi: ‘’iska sug qof baa hurdee inta uu toosayo!’’. Waan yaabay, haddana waan naxay, kol waan cadhooday, marna way igu gudhay oo indhahayga oo ilmo soo buuxisay mooyee meel kale jidhkayga dhaqaaq waan ka waayay. Mudo daqiiqad ah markii shoogaasi I haystay ayaan ku idhi: ‘’waar qof aan dhanna xamilayn baan sitaa oo weliba waayeel ah oo aadna u xanuusannayee, ma qof caafimaad qaba oo aan bello iyo baas toona ku dhacayn haddii la toosiyo ayaad leedahay suga, oo cad kaa aad sidataanna gaadhiga ha idiin dhex yaalo’’? Gaadhiga laftiisu haddii uu ku fillan yahay jiif kiisa oo uu balaadhan yahay waaban iskaga dhex daysan lahaaye, gaadhiga oo gudihiisu uu cidhiidhi ahaa awgeed ayaan xamilli waayay in aan ku dhex daayo. Inankii hadal kii kamuu jawaabinne hawshii uu ku mashquul sannaa iyo telefoonkii gacanta ee uu wadwadday ayuu iska watay, madaxana xitaa kor ummuu qaadin.
Inta aan isakaga dhaqaaqay ayaan gaadhigii ka soo dejiyay aabbahay oo aan dhiggay meel kaabad ah oo farmasiga albaab ka laga galo ku taalay. Dadkii ka soo horeeyay oo xaaladda la socday bukaanna iyaguba iska ahaa oo aan itaal badan haynin ayaa mar qudh ah inankii ku wada qayliyay, annigana ii ogolaaday in aan ka hormaro oo aabbahayna aan ka horeysiiyo iyaga oo ka soo horeeyay. Markii aan qaaday ee aan u u galay dhakhtarkii, wasiirkii wasaarada caafimaadka oo fadhiya farmasigiisii gaar ka ahaa. Waxa uu igu yidhi ‘’ bukaan ka halkiisi ku celi oo adiga oo keli ahi ii soo gal?’’. Waxaan is waydiiyay oo ma adigaa buka?!. ‘’dhakhtar annigu ma buko mana xanuusanayo, nin kan wayn ee aan siday imaka oo aabbahay ah ayaa xanuusannaya…’’ hadal jaad kaa ahaa ayaan ku idhi. ‘’waxba loogama baahna isaga ee adiguba waad iiga warami kartaa waxa uu qabo iyo sida xaal kiisu yahaye soo soco’’. Haddana waxaan is waydiiyay miyaan tallow in uu xitaa muuqiisa arkaa aannay daawadda qayb ka qaadanayn?. Sidii baan yeelay, dhammaan wixii aan ku arkay intii uu jiifay wixii waraaqo ahaa ee dhammaan goobihii kale ee caafimaad ee aan soo mariyay iyo wixii kale ee war iyo wacaal ahaa oo dhan baan u sheegay una soo bandhigay.
Waraaqihii ayuu mid ka mid ahayd oo u soo saraysay isha dul eryay. Inta uu igu soo jeedsaday ayaannu igu yidhi: ‘’qolkan yar ee daahu noo dhexeeyo jiifi waxaan cabirri doonaa wadnihiisa, wadno xanuun xun baa haya’’ Haddana waxaan is idhi ma waraaqaha hore uun baa u sheegaya, miyaan isagu xirfad uu ku daah rogo waxa haya oo isaga gaar u ahi jirin?
Qushiye halkii baan dhiggay. Waxaa ii soo gallay inan kii mobile ka ku mashquul sannaa ee qolkii baaskiilad curyaan tu taalay igu yidhi waa la hurdaa. Waan yaabay anniga oo moodaya in uu meesha wax uga baahan yahay oo uu ka qaadannayo ayuuba aabbahay dul baxay oo uu waayiro dhaadheer oo mishiinka wadnaha cabirrayaa lahaa ku xidhxidhay. ‘’…oo ma adigaa ka cabirraya wadnaha?’’ , Isagoo waayiraddii mid dhafoorka kaga sii xidhaya ayuu iigu jawaabay ‘’Haa…annigaa ka cabiraya’’. Waxaan is idhi ma nin ka naxariis halkaad arkaysay ka taagnaa ayaa mishiinkan ku shaqeeya oo dad ka buka wadnahooda cabirra?
Mishiinku marka la daaro, waxa uu soo saarayay waraaq dheer oo muujinnaysa sida uu wadnaha qofku u shaqaynayo iyo malaha garaaciisu sidii loo baahnaa uu dhiiga iyo ogsajiin taba u gufaacinayo, kaarboon kana uga soo rarayo xubnaha muhiim ka ku ah nolosha; sida beerka iyo kelyaha oo kale. Waraaqdii ayaan qaaday waxaannan dib ugu celiyay dhakhtarkii ama wasiir kii wasaaradda caafimaad ka Somaliland oo fadhiya xafiis kiisa labaad ee uu gaarka ugu shaqaaysto. ‘’wadnihiisu ma fiicna, inkasta oo aanu joojin shaqadii looga baahnaa dhammaanteed balse wuu hakiyay oo si wacan uma shaqaynayo, markaa waa in aad dhigtaan meel ogsajiin leh, sida Edna Hosbital ama Cusbitaal ka wayn’’ . Inta aan waayahay idhi ayaan warqadiina ka soo qaatay lacagtiina bixiyay, aabbahay na gaadhigii yaraa ee cidhiidhiga ahaa ee aan watay ku soo jujuubbay. Waxaan soo horjoojiyay cusbitaal kii Edna. Qolal gaar ah oo lacag waxoogay ah lagu kireeyo ayaan dhiggay. Meel meel dhaantaa ma jirto. Edna Maternity Hospital waxa uu dhegaha dadka ugu soo dhacaa, in uu yahay meel ka adeeg wanaagsan dhammaan cusbitaalada kale, laakiin xaqiiqadu sidaa way ka duwan tahay. Edna waxaa loogu sameeyay baadhis iyo dawooyin waxoogay ah na waa loogu soo qoray. Dawooyinkii loo qoray oo qaar kood ahaayeen qaar xididda dhiiga lagu dhex mudayay ama la raacinnayay, ayay dhallin yaro aan ku qiyaasay da’ahaan 17-20 jirro meel walba ka daloolliyeen odaygii, dhiiggiisii ayaa dhulka ku dhammaaday. Markii uu arkay sida xaal yahay ayuu iga codsaday in aan ka saaro cusbitaalka Edna, oo aan gurigii iska geeyo.
Waxaan keenay Cusbitaal ka wayn ee Hargeysa. Qolal gaar ah oo la kireeyo ayaan sariir bilaa go’ahayd inta aan ku goglay go’yaal aan siday mid ka mid ah dul dhigay odaygii oo aan wandaafinayo. Waxay gaar la yihiin oo aan ka ahayn kelinimo ay hal sariirri qolkiiba taalo ma jirto. Waxay dheer yihiin in qofku uu kelidii jiifo qol u gaar ah. Waxay kaga liitaanna waadhadh ka waaway na waa in aanad helay dhakhtar wax ma tare ah oo kugu soo mija baxsada sida waadhadhka waawayn oo kale. Cidladaasi ayuun baad adiga iyo qofka bukaan ka ahi is dul fadhiyaysaan, lacag na weliba aad ka bixinaysaa cidladaasi, tobban dollar oo lacag ta maraykan ka ah ayaad ka bixinaysaa jiif ka oo keliya, dawada iyo dhakhtarkana adigaa isku qaba.
Markii aan anniga iyo aabbo maalin ku jirnay qolkaasi yar ee aan cid aqoon caafimaad lihi kadinka nooga ka soo gelin, waxaa na soo maray nin dhalasho ahaan Maraykan ahaa. Maraykan oo keliya dhalashada ma ahayne, waxa uu ahaa nin cad oo timo midab ka dahabka u eeg leh. Waxa uu I waydiiyay waraaqihii ay qoreen dhammaan goobihii aan soo mariyay oo dhan. Waxaan u fahmay in uu taariikhdiisii caafimaad tixraacayo intii uu bukay odaygu. Waan u dhiibay. Bac yara jacdadsanayd oo ay ku jireen daawo ka mid ah daawooyin kii u qornaa ee Cusbitaal ka Edna oo ahaa halkii ugu dambaysay ee dawo u soo qorta ayuu eegay. Waa dawo cabirkeedu uu yahay, 10 milligaram, waraaqdana waxaa ku qoran in halkii mar la siiyo 50 miligram oo isla dawaddaasi ah. Nin kii dhakhtar ka ahaa wuu yaabay waxa uu yidhi, ‘’dawada ay kuu qoreen waa 50 mg sida aad arkayso, dawada ay kaa soo iibiyeenna waa 10 mg midhkiiba, markaa halkii mar ba ma 5 xabbo ayaad siinaysaa nin kan aan biyaha liqi karayn ’’?. Waxa uu inta iigu daray; ‘’sideedabana dawaddan uma baahna in la siiyo qof xaaladdiisu sidan oo kale ay tahay, dawo kale ayaan kuu qorayaa taasi ayaad siin doontaa’’ intaa kumuu soo koobin hadalkiisiiye waxa uu ii sharxay sababta uu dawaddii hore uga bedellayo iyo sababta uu tan cusub ugu qorayo. Dhakhtar kanni waxa uu ka shaqeeyaa waadhka dad ka waalwaallan, shaqo kuma laha qolal ka la kireeyo ee cusbitaalka, waxa uu waxan oo dhan u samaynayaanna waa bini’aadaminimo.
Waxa uu ii qoray dawaddii, anna waxaan u sheegay dhakhtarkiisii ugu horeeyay ee xanuunadan ka baadhay oo ka mid ahaa dhakhaatiirta Hargeysa ka shaqaysta. Waanu ku qancay in dawaddaasi hore laga bedello taa cusub ee imaka dhakhtarkaasi u qoray na la siiyo. Waxaan hoos isku waydiiyay, waxa uu imaka ugu qancayo in aan dawaddan la siinin ee uu markii hore u garan waayay.
Marka aannu xaaladdiisa ka yar didno ba waxaannu telefoon kala hadlaynay dhakhtarkiisaasi hore. Nooma yimaado, waxaa ba se badhi iyo sed noo ahaa in uu telefoon ka naga qabto oo na dhegaysto.
Habeen ka dib ayuu nagu soo noqday dhakhtarkii Maraykan ka ahaa. Waxa uu gacanta ku sitay qalabka wadnaha iyo garaaciisa lagu cabbiro. Markii uu soo galay ba waxa uu u dhaqaaqay dhinac ay taalay bir ka ag qotontay aabbahay oo ay ka lullatay sayloonka dad ka xidid ka lagaga qotomiyo. Inta uu ku dhowaaday ayuu akhriyay korkeeda, markaasuu anniga oo agtaagan I waydiiyay ‘’yaa u qoray sayloonkan ee idinku yidhi ku mudda?’’. Waxaan u sheegay in uu u qoray dhakhtarkiisii ugu horeeyay, markii aannu telefoon kala hadalnay ka dib. Inta uu labada indhood aad u kala jiiday sidii wax qaladdi samada kaga soo dhacday ayuu igu yidhi: ‘’ oo ma telefoon uu ka soo hadlayo ayuu go’aan ka ah in sayloon ka jaadkan ah ee waxmataraha ah lagu xidho ku gaadhay?’’ Haddana anna haa baan ku idhi. Waxaan soo jeeday shan habeen, yaab iyo naxdin iyo falcelin firfircoon waannu kala tagnay oo sidii caag la buufiyay ayaan mar ba meel qotomaa, ama kolba qof dhan iila kacayaa isaga oo aan wax macno leh ii sheegayn.
Ninkii Maraykan ee dhakhtar ka ahaa inta uu ii yeedhay ayuu ii sharaxay sayloonkii ku qotomay aabbahay. ‘’saw ma tihid qaraabadda bukaanka halkan jiifa…’’ intii aannan u jawaabin ayuu hadalkiisii sii watay isaga oo wejigiisu is bedelay oo casaan dhiigroorsan noqday. ‘’Dhegayso, sayloonkan lagu xidhay wax uu u kordhinayo ma laha bukaha, waxa uu yeelayo ayaa ka badan. Tusaale ahaan; sambabada bukaankan biyo ayaa ku jira sayloonkanina waxa uu sambabadiisa ku sii kordhinayaa biyo kale, jidhkiisa wax nafaqo ah gelin mayo, garaaca liita ee lagaba yaabo in uu goor dhow joogsadana hoos buu u dhigayaa. Markaa nin yahaw laba mid soo gal, in aad ta aan kuu qoro aad ku muddo qof neersan ahna u yeedhato, ama in aad ila hadashiiso ninkan telefoonka ka dawaynaya qofka xaaladdiisu sidan tahay?’’ Waxaan ku idhi aan kula hadashiiyo, anniga oo u golleh in aan ogaado sababta uu dhakhtarkan gurigiisa iska jiifa ee aan telefoonka kala hadlaa sayloonkan iigu qoray in aan ku xidho. Telefoonkii markii aan garaacay ayaan u sheegay in dhakhtar kii ajaanibka ahaa doonayo in uu la hadlo, waannu aqballay. Dhaskhtarkii ajaanibka ahaa waxa uu si toos ah ugala hadlay dhakhtarkii kale ee Soomaaliga ahaa, xaaladda aabbahay, waxa kale oo uu kala hadlay sababta uu sayloonka jaadkan ah ugu qoray qofka caynkan ah, waxa kale oo uu waydiiyay, SIDEE AYAAD UGU DHIIRATAY QOF SIDAN U XANUUSANNAYA OO AANNAD MUUQIISA JIDH AHAANEED (PHYSICAL) IYO XAALADDIISA GUUD MIDNA ARKAYN, IN AAD TELEFOON KA DAWAYSO? Maan maqlayn waxa uu kaga jawaabay su’aashaasi, waxase aan ku war helay dhakhtarkii ajaanibka ahaa oo igu soo fidiyay telefoonkii, oo igu leh, ‘’dhegayso wuu aqballay in aynu ka bedelno sayloonkaa wax mataraha ah ee uu ku xidhaye’’. Sayloonkii sidii baan kaga goynay oo mid kii kale ugu taagnay. Waxa uu ii sheegay dhakhtarkii ajaanibka ahaa in xaaladda aabbahay ay aad u liidato, xanuun kanina uu yahay Severe cardiac arrest. Markaasi aan ku samro, wixii kale ee aan u qaban karayana aan u qabto, maankana aan ku hayo in ay adagtahay in uu ka kaco xanuunkan.
Waxay iigu darnayd markii habeenkaasi qaybtiisii danbe oo ku beegnayd labaddii habeenimo, ay noo soo galeen hablo doonaya mishiin yar oo farta kaga xidhnaa oo garaaca wadnaha lagala socdo. Waxay ii sheegeen in gabadh umul ah oo koommo ku jirta ay u doonayaan mishiinkan in ay ku soo eegaan in wadnaheedu si wacan u shaqaynayo iyo in kale, waxaan waydiiyay sababta ay u doonan waayeen mid kale, ee ay kan keli ah u soo doonteen. ‘’Walaal xabaddan oo keli ah ayaa cusbitaalka taala, ee noo dhiib waanu soo celinnaynaaye’’ ayay iigu jawaabeen. Waan naxay. Waa mishiin yar oo Wallaahi xadhiga dabka u soo qaadaa uu xumaa oo aan annigu sidaan u wadwaday aan hagaajistay, markii la ii soo dhiibay se aan shaqaynayn. Waxaan u sheegay in mishiinku xun yahay, haddii la dhaqaajiyana uu damayo, labadayaduna aannu seegi doono haddii aan taabto. Markii ay iga dul dhaqaaqi waayeen, ayaan siiyay. Afartan miridh ka dib ayay igu soo celiyeen markii uu u shaqayn waayay. Dibbaan u wadwadday muddo danbe oo saacad ah, Allena wuu igu asturay, halkiibaanan farta inta aan dib ugu sudhay, aan kala socday cadaadiska wadnaha iyo xadiga ogsajiinta wadnihiisu jidhka u tebinnayaba.
Habeenkaasi dul fadhi iyo soo jeed ayuu waagu noogu baryay. Aroortaasi dambe saacaddu markii ay gaadhay 11:00 barqo nimo ayaan naftayda la sheekaystay, waxaan arkay xaaladda aan ku jiro iyo xaaladda uu aabbahay ku jiro. Inta aan qolkii uu yaalay oo dad kii soo toosay ee soo booqanayay ku soo bateen isakaga baxay oo geed cusbitaalka weyn ee Hargeysa ku dhex yaala iska hoos fadhiistay. Waxaan is arkay in wixii aan itaal hayay aannan waxba hagran, waxaan arkay waddankaygii in aabbahay ku dhex dhimanayo, dhakhtarkii ugu dhowaana telefoon mooyee aannu mar qudha soo dul joogsan. Waxaan arkay in cusbitaalkan uu yaallo oo dawladda dad ka caashuurta ka gurataa sheegato in ay maamusho aan waxba loogu qabanayn, ama aqoon daro ha noqoto ama bini’aadmi daro ha noqotee. Indhahayga waxaa ka soo rogmatay ilmo aad moodo tog. Oday meel labaatan mitir ah ii jirta fadhiyay ayaa I arkay sida aan u qaracannahay. Inta uu ii yimi ayuu igu yidhi ‘’ adeer ma odaygan halkan yaala ayaa ku dhallay, iska samir, Alle ku samir, saw magaalad ma deginnid?’’ Markaasaan ku idhi ‘’ Haa’’. ‘’annigu waxaan ka imi Ceerigaabo, waxaan halkan keenay gabadhaydii, magaalada cid ka garan mayo, aad bay u xanuusannaysaa oo qolkaasay taalaa, dhakhtar qudh ahi ma soo dul joogsan, kaan yara daba carraraana wuu iska kay reebayaa oo mashquul baan ahay ee annaa kuu iman doona ayuu I leeyahay, haddii ay maanta halkaa ku go’dana cid ila aasta magaalada ka garan mayo. Haddaba adeer haddii aad magaalada degan tahay saacaddiisa dhaafimaayo, darxumadana Allaa inna baday, cid kula aastana waayi mayside shaydaanka iska naar…’’ Intaa markii uu igu yidhi waxaad moodaysay in aan saxar noloshayda iyo waayahayga toona ku duullin, inta aan u mahadceliyay ayaan boodhka dabada oo aan dhulka ku hayay ka tumay. Waxaannan usoo dhaqaaqay qolkii uu aabbahay yaallay, sodon daqiiqaddood oo danbe markii aan dul fadhiyay na Illaahay naxariistii janno haka waraabiyee naftii baa ka baxday.
Qalinkii: Mustafa A. Nuur