|

Sheeko Cajeeb Ah: Wiil 8 jir ah oo ku guursaday islaan 61 jir ah dalka Koonfur Afrika

Sheeko Cajeeb Ah: Wiil 8 jir ah oo ku guursaday islaan 61 jir ah dalka Koonfur Afrika.

London,10.3.13 (SM)  Qaar ka mid ah warbaahinta aduunka oo qoray Wiil 8 jir ah oo lagu magacaabo Sanele Masilela ayaa aroos la dhigtay haweeney 61 jir oo 5 caruur  leh oo layidhah Helen Shabangu. Arooskaa caja’ibka badan wuxuu ka dhacay magaalo layidhaah Tshwane ee dalka Konfur Africa halkaas oo fargalo ay isku waydarsadeen. Sheekadan cajiibka badani waxaa soo qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka UK. Qarashka arooskana oo gaadhaya ilaa $2000 ayaa waxaa bixiyey reerka uu ka dhashay caruuska waa  sida uu soo qoray wargeysku.

GUUR

Wiilka yar iyo Marwado uu guursaday arooskoodu mid sharci ah manoqon karo sababtoo ah isagoo da’diisu ka yar tahay 18 sano iyo arin kaloo jirta oo ah in Marwado wali Nin kale uu qabo, Haseyeeshe arooskani waa mid dhaqameed oo ay dadka gobolkaas dagan ay aamin-sanyihiin in walidiintoodi hore lagu raali galinayo.

Mar la waydiiyey wiilka yar fikradiisa ayuu yidhi “ Hooyaday baan ku idhi waxaan aad u rabaa in aan guursado , waanan ku faraxsanahay inaan Helen guursaday markaan wanaadona waxaan guursanayaa gabadh aniga ileeg”. Wiilka hoyadii oo ah 46 jir oo lagu magacaabo Patience ayaa tidhi “ Sanele awoowgii ayaa ku amray inuu guursado intay geeridu wali la kalmin, markaana wuxuu la jeclaaday Helen; sidaa awgeed arooskan waa mid aan walidiintayda ugaga farxinayo ayuu ahaa” waa sida ay tidhi wiilka hoyadii. Helen oo ah marwada la guursadayna waxay ku soo gabagabaysay qisadan cajiibka badan “Sidan waa sida waliidiintaydii hore ay ku faraxsanaan lahayeen”

Halkan Kala soco sheekadan oo afka igriisiga ah ku qoran: http://www.thesun.co.uk/sol/homepage/news/4833913/8-year-old-schoolboy-marries-a-61-year-old-mum-of-five.html

Comments are closed