|

Sheekhul-baladka Gabiley oo Si Adag uga hadlay Xukuumadda Siilaanyo oo Guri Xisbiga Waddani kiraystay Ciidammo ugu Wareejisay Kulmiye DAAWO

Gabiley 16. July 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda Kulmiye, ayaa Xoog iyo Cudud Ciidan kula wareegay Guri uu Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ka kiraystay magaalada Gabiley, kaas oo khilaafkiisu taagnaa tan iyo toddobaadkii hore, isla markaana Muwaaddinka Gurigaa iska lihi ka kireeyey Waddani, waxaana arrintaa si fiican oo aan xaglin iyo eexo ku jirin uga hadlay Sheekhul-baladka magaalada Gabiley oo runta ka sheekay xaaladda gurigaas iyo cidda xad-gudbaysa.

Gurigaas oo uu kiraystay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markii Xisbiga Kulmiye ku qabsaday waxay Xukuumaddu geysay Ciidammo, iyaga oo doonaya inay Xisbiga Kulmiye ku wareejiso sida la sheegay.

Sheekhul-baladka Gabiley Sheekh Ciise Sheekh Muxumed Warsame oo Saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay inuu wax badan qarinayey oo uu dhawrayey Sharafta Xisbiga Kulmiye, Musharrax Muuse Biixi, Nabadgelyada iyo ixtiraamka dawladnimo, balse uu Kulmiye doonayo inuu xoog kula wareego Gurigaas.

Sheekhul-baladka Gabilay, waxa uu sheegay in Sharciga la dhawro, isla markaana aan Muwaaddiniinta Xuquuqdooda lagu xad-gudbin, isla markaana aan xoog loo adeegsan markay Xisbiyada Mucaaradka ah Guryohooda ka kireeyaan. Sheekh Cismaan waxa uu ka digay dhibaatada ka dhalan karta haddii Kulmiye iyo Xukuumaddu sidaa wax ku sii wadaan, waaxaanannu Hadalka Sheekha idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed