“Sheekhoow Dulmiye Xilligiisii Wuu Dhamaaday, Nin Walbana Waa Lala Xisaabtamayaa.” Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid
Hargeysa, 13 Oct 2015 (SDN/QJ)-Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa naqdiyay weedho uu Sheekh Aadan Siiro ku taageeray murashaxnimada Maxamed Biixi Yoonis. Isla markaana aan waqtigan loo baahnayn in kala doorashada xubnaha ku tartamaya jagada madaxtinimada ee xisbiga kulmiye dhexdiisa aanay haboonayn in wakhti lagu lumiyo.
Jamaal Cali wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook-ga, waxaana uu yidhi “Sheekh Aadan Siiro wuxuu yidhi cidii Kulmiye ku tartamaysa ee beeshayda ah ee Golaha dhexe ee Kulmiye ka soo baxda ha la daba galo.Waxaan moodayay in Sheekhu in badan uu Jimcayaasha ka hadlay waxa dalka ka qaldan oo uu xisbiga talladda hayana farta ku tilmaamay.
Haddaba ma xaq-baa qofka Kulmiye wixii uu halaag dalka u gaystay ag-taagnaa ee weliba ku taageerayay boobka iyo dhaca hantidda qaranka ee weliba la soo indho cadaa in la yidhaahdo ha lagu taageero. Miyaanu waxan laga cabanayo qayb ka ahayn? muxuu kan Kulmiye ka soo baxayaa uu Damiirkiisu maalin uun u siin waayay inuu danyarta u hadlo oo uu yeesho caqli suuban oo wax diida. Sheekhoow dulmiye xilligiisii wuu dhamaaday, nin walbana waa lala xisaabtamayaa.
Kulmiyena habkii qabyaaladaysnaa ee ay awal ku fuuleen wuu dhamaaday oo mar dambe da’yarta codaysaa ma ogola qabyaalad loo soo cumaamaday.
Qof kastoo Kulmiye ka soo baxana waxa horyaalla xisaabtii Kulmiye Iyo dunuubtii ay dalkan ka galeen. Ilaahay baan idinku dhaarshee ninka maanta Siilaanyo ku taageersan in haamaha la boobo oo la qaato ma hadh buu dalkan u jiidayaa.
Ninkasta reerkiisu sheekh Iyo Shariif wuu ka Ag botorin, laakiin ciyaartu waa ta maalinta codka ee Somaliland oo dhan la wajahayo, qof walbana recordkii sa shaqo la soo faqayo Iyo halkuu ka taagnaa maalintii danyarta Iyo da,yartu ay u baahneyd. xilka maqasha kii gabay Geella Maw Xil saarnaa?