|

Sheekh Xasan Turki Oo Xalay Geeriyooday Iyo Afhayeenka Al-shabaab Oo Taariikhdiisii Ka Sheekeeyey

Hargeysa-yarey:May,28,2015(SDN/QJ)-Sheekh Xasan Cabdilaahi Xirsi(xasan-turki) oo kamid ahaa saraakiisha sare ee Kooxda Al-shabaab, ayaa la sheegayaa inuu xalay geeriyooday kadib uu in muddo ah xanuun u jiifay.

xasan turkiGeerida sheekh Xasan Turki Waxa xaqiijiyey Ururka Al-shabaab, waxana uu sheekhu ka mid ahaa saraakiishii ciidanka Somalia ee dagaallada qadhaadh kasoo qayb qaatay xilliyadii Dawladdii dhexe ay jirtey.

Afhayeenka Kooxda Al-shabaab sheekh cali Maxamuud Raage, ayaa xaqiijiyey arrinta, waxana uu ka sheekeeyey kaalintii uu ku lahaa halganka ay wadaan.

Waxa uu sheegay in Sheekha geeriyooday uu laba jeer tegay Dalka Afghanistan, isla-markaana uu la kulmay Hoggaamiye Usam Ben laden, isla-markaana uu tababarro badan halkaas kusoo qaatay.

Sheekh Xasan Turki, ayaa kamid ahaa dadka uu maraykanku sida weyn u raadinayey, waana uu kamid ahaa Ragga ugu caansan Kooxda Al-shabaab.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed