Sheekh Xasan Daahir Aways oo Goor dhawayd Soo Gaadhay Caasimada Muqdisho
Muqdisho 29.June (SDN) Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya soo gaaray Shiikh Xasan Daahir Aweys oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Xasan Daahir ayaa waxaa Muqdisho geysay diyaarad ka soo qaadday Cadaado oo ka soo Degtay Garoonka Aadan Cade International Airport .
Xasan Daahir oo ay wehelinayaan xubno isugu jira Xildhibaanno, Oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo halkaasna ay ku soo dhaweeyeen Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Ammaanka Xasan Daahir ayaa waxaa la wareegay Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee lagu Magacaabo Alpha Group ee wejiyada xirta, wuxuuna garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu ku salaamay dadkii ku soo dhaweeyay garoonka.
Xasan Daahir Aweys oo horay u ahaa Guddoomiyaha Ururkii Xisbul Islaam, ka hor intii uusan ku biirin Al-shabaab oo uu ugu dambeeyay naftiisa kala soo baxsaday, waxayna ahayd maalmo ka hor markii uu isu soo dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb ee xaruntiisu tahay magaalada Cadaado.
Si kastaba ha ahaatee lama garanayo waxay dawlada federaalka Somalia ka damacday Sheekha oo ku Jiray Liiska Madow ee Kooxaha Xagjirnimada lagu eedeeyo kuwaas oo Maraykanku uu Madaxooda dul dhigay Lagac Tiro badan,Warar u dhow dhow Aqalka Madaxtooyada ayaa Sheegaya in Sheekh Xasan Daahir ay Xukuumada Federaalku u adeegsanayso si uu u tilmaamo halka ay ku Sugan yihiin Kooxdii uu ka firxaday ee Alshabaab oo Muqdisho laga saaray balse Cabsidooda iyo Qaraxyadooduba ay Yihiin Kuwo Mar walba la fisho.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com