Sheekh Umal Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Tallaabadii Kenya Ku Xayirtay Akoonkiisa
Nairobi:April,12,2014(SDN/QJ)-Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Culimada waaweyn ee Dalka Kenya, ayaa jawaab kulul ka Bixiyey Xayiraad ay Kenya kusoo rogtay Akoono badan oo kiisu uu kamid yahay.
Sheekh Maxamed Umal oo Masaajidka uu khudbadaha ka akhriyo kala hadlay Boqolaal Qof oo Muslimiin Soomaali u badan, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Xannibaadda la saaray, “Wax aad loola yaabo weeye in Kenya ay hantideeda xanibto amaba ay igu eedeyso inaan Al Shabaab taageero.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Waxa kaloo uu sheegay in tani ay layaab gelin doonto cid kasta, bacdamaa uu isku sifeeyay shakhsi aad uga fog Ururka Al Shabaab, oo sheegtay masuuliyadda weerarkii Jaamacadda Magaalada Garissa.
“Arrintan aniga iska dhaafee qof kasta ayay yaab gelineysaa, maxaa yeelay waa la ogyahay halka aan kala joogno aniga iyo Al Shabaab.” Ayuu yidhi Wadaadka la xanibay xisaabaadkii uu Bankiga Kenya ku lahaa.
Sheekh Umal, ayaa ku waramaya inay naftiisu ogtahay inaanu taageerin Shabaabka hubeysan ee Somaliya ka dagaalama, sidaasi daraadeedna aanu aad ula yaabeen eedeymaha kaga yimid Dowladda Kenya.
“Aniga ahaan aad ulama yaabayo in la igu eedeeyo inaan taageero Al Shabaab, maadaama aan ogahay inaan nimankaasi taageerin, nafteyduna way ogtahay. Wax is bedel ama saamayn ah iguma yeelan doonto.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cabdi.
Kenya, ayaa waxay Arbacadii xanibtay akoonada ay 86 qof ku lee yihiin Bankiga Kenya, ka dib markii la sheegay inay si dhow ula xidhiidhineyso amaba ay taageeran Ururka Al Shabaab.
SDN/QJ