|

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta ku dhawaaqaya Go’aan aad looga sugayey

Muqdisho 26.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khamiistii la soo dhaafay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, afar sano oo uu ka maqnaa, ayaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha.

sheekh-shariif-sheekh-axmedSheekh Shariif ayaa dhoolatus weyn oo siyaasadeed oo aan horay loo arag sameeyay, kadib markii shacbiyadii ugu ballaarneyd ka helay dadka Muqdisho, taasoo khal khal gelisay Musharaxiinta kale ee u tartamaya xilka Madaxweynaha.

Guriga Madaxweynihii hore uu ka degay agagaarka KM4 oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, ayaa isu bedeshay Madaxtooyo, markii mashquul badan laga dareemay, qul qulka dadka ay ahaayeen kuwo aan kala go’ laheyn.

Comments are closed