Sheekh Shariif oo maamul goboleed laga hoos sameeyay
Muqdisho Mar 09,2012(SDN)-Magaalada Muqdisho waxa maanta looga dhawaaqay maamul goboleed ay yeelanayaan gobolada Banadir iyo labada Shabeele.
Madaxweynaha DFKMG ah Sheekh Shariif ayaa mudo dhawr sano ah ishortaag ku sameynayay maamulkan.
Isku day ay sameeyeen masuuliyiinta ku hawlanaa aasaaska maamulkan Ex-Banadir ayaa waxa si toosa isku hortaagay Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa garwaaqsan in maamulkani uu si toosa u wiiqayo rabitaankiisa siyaasadeed.
Maamulka cusub ayaa waxa madaxweyne loogu doortay Md Maxamed Cabdiraxmaan Cali.
Dadka reer Muqdisho ayaa u arkayay in nidaamka maamul goboladeedyada lo o aasaasay sidii awooda siyaasadeed loogu wiiqi lahaa.
SDN-Muqdisho