Sheekh Shariif oo isu diyaarinaya Doorashooyinka August
Muqdisho April 27,2012(SDN)-Madaxweynaha DFKMG ah ee Sheekh Shariif ayaa shaaciyay in uu taagan yahay xilka madaxtinimo ee dawlada soo socota,sida ay daabacday barta internetka ee press TV.
Qoraalka waxa lagu xusay in madaxweynuhu uu ka gaabiyay hawlihii dawlada loo igmaday,iyada oo taa ay u raacdo eedo kale.
Press TV ayaa soo xigatay xeel dheere la yidhaahdo Cumar Cabdiraxmaan oo sheegay hadii Sheekh Shariif isu soo taago xilka madaxtinimada in ay musharixiinta ku adkaan doonto in ay la tartamaan.
Beesha caalamka ayaa shacisay in xiliga KMG ah laga guddbi doono bisha August ee ina soo aadan,waana xiligaa kolka la dooran doono dawladii bedeli leheyd.
SDN-Muqdisho