Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir oo Xaaraan Ku Sifeeyay Kiniisada Hargaysa Dib looga Furayo Kadib Markii Ogolaansho laga Helay Xukuumadda DAAWO
Hargaysa 03. August 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirrir ayaa sheegay in dal asalkiisu islaam yahay inay Xaaran tahay in laga dhiso Kiniisad,hadii laga dhisona waa in la dumiyaa waxaa kale oo aan la ogolayn in dib u dhis lagu sameeyo Kiniisad Markii hore dhisnayd.
Waxaa kale oo uu Sheekhu sheegay in waddanku hadii uu yahay mid gaalo laga qabsaday oo kiniisado lahaa in dadka kiristaanku ay ku cibaadaysan karaan balse aan la cusboonaysiin Karin.