|

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo Kooxda Asaadiciuuna Bil Xaq Ku Sheegay Takfiiriyiin Dadka Gaalaysiiya & Dooda Taagan DAAWO

Hargaysa 28. April 2017 (SDN/QJ):- Kadib Markii Bishan dhamaadka ah ee April Deegaano badan oo Somalidu ku dhaqan tahay lagaga dhawaaqay Urur Diimeedka Al Saadicuuna Bil Xaq Isla markaana ay Soo Saareen laba bayaan ayaa waxa soo shaac baxoodu uu dood ka dhex dhaliyey Culimadda Somalida.

Umal waa kan wuxu inaga iibinayaa in kooxdani ay yihiin takfiiriyiin. Xaqiiqaduna waxay u dhawdahay in kooxdani aan ahayn Wahaabiyiin, Salafiyiin iyo Takfiiriyiin midna ahayn. ee weliba ay intaba ka soo horjeedaan.

Hadii aad si fiican af carabiga u fahmi karto diintana wax ka taqaan Beyaanka 1aad ee Kooxdan uun akhri waad garan kartaa xaga ay wax u wadaane.

Taariikhdan dheeri waxay ku soo biyo shubatay afartankii sanadood ee ina dhaafay iyo sidii Islaamku noqday iyo wixii dhacay iyo ciddii u sababta ahayd.

Marka la isu minguuriyo waa khasab in fikir ama fikiro cusubi ay ka dhashaan,Kooxdanina intaa wax ka badan may sheegin,Hasa Yeeshee ila Dhugo Dooda Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Halka uu Mawqif ahaan ka taagan yahay Urur Diimeedkan.

Comments are closed