Sheekh Hargeysa Ku Nool Oo Ka Hor Yimid In Masaajidada Lagu Tukiyo Microphone -Ka Salaadaha Qaar Isla Markaana Xaaran Ku Tilmaamay DAAWO
Hargaysa 17. June 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Ku nool magaalada Hargeysa isla markaana lagu magacaabo Sh.Yuusuf Nuux ayaa waxaa uu ka hor yimid isla markaana uu xaaran ku tilmaamay in masaajidada lagu tukiyo cod baahiyayaasha loo yaqaano Microphone salaadaha qaar.
Sheekan ayaa Tusaale u soo qaatey Salaada la tukado wakhtiyada habeenkii xiliga danbe gaar ahaan salaada Loo Yaqaano Taajudka ama salaatul laysha oo uu sheegay in ay fiican tahay in masaajidu ay isticmaalaan Microphone gudaha masaajidka oo ay bakhtiyaan cod baahiyayaasha dibada si aaney u dhibinsan codkaas dheer dad xanuusanaya oo Masjidka la jaar ah.