|

Sheekh Cabdillaahi Beberaawi oo Madaxda Xisbiyada Qaranka Somaliland Ugu Baaqay inay Ka Fogaadaan Hadalada Naxliga Leh ee Shacabka Kala Fogaynaya DAAWO

Hargaysa 02. January 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Cabdillaahi Xassan Xaashi (Beberaawi),oo qaybo ka mid ah warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa
ayaa farriin dar-daaran ah u direy siyaasiyiinta Axsaabta qaranka Somaliland.

Sheekh Cabdillaahi Xassan Xaashi (Beberaawi),waxaa uu ugu baaqey madaxda siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dawladdaba in ay ka fogaadaan ereyada ama hadallada kala fogeynaya bulshada iyo shakhsiyaddiisaba.

Dhinaca kale waxaa uu Sheekh Cabdillaahi Xassan Xaashi (Beberaawi),ayaa ka hadley abaaraha baahsan ee ka taagan gobolada bariga Somaliland taas oo saameyn xoogga ku yeelatey dadka iyo duunyada ku nool goboladaasi.

Comments are closed