Sheekh Caan ka ah Somalia oo Dhaar Ku Maray inuu Garaaci doono Xildhibaankii Mooshin ka Keena Dawlada Madaxweyne Farmaajo DAAWO
Muqdisho 12. July 2017 (SDN/QJ):- Mid ka mid ah Culumada ugu Waa weyn dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu dhaar ku maray inay Guryahooda ugu geli doonaan oo ay Garaaci doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ee isku daya inay keenaan Mooshin lagu ridaayo Dowlada Soomaaliya asagoona ka digay in arintaas lagu dhaqaaqo.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culumada Waa weyn ee dalka Soomaaliya oo dhawaantaan ka hadlaayey kulan dhaqaale loogu Uruurinaayey Ciidamada Dalka Soomaaliya ayaa Kulankaas waxaa uu ka Sheegay in dalka Soomaaliya ay horumarkiisa ay dib u dhigeen Xildhibaano Caadeystay inay dowlada walba oo la soo dhiso ay ka keenaan Mooshin lagu ridaayo ayadoo ujeedkooduna uu yahay si loo siiyo lacag Laaluush ah, Sheekh Nuur Baaruud ayaa waxaa uu wacad ku maray in Xildhibaanadii isku dayo arintaas in asagoo kaashanaayo Shacabka Soomaaliyeed ay ugu tagi doonaan halka ay ku nool yihiin oo ayna garaaci doonaan asagoona codsi arintaas ku saabsan u direy shacabka ku nool degmooyinka magaalada Muqdisho.