Sheekh Aadan-Siiro Oo Si Adag Uga Hadlay Bandhig-dhareed Lagu Qabtay Hargeysa DAAWO
Hargaysa 02. April 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Meel adag iska Taagay Bandhig dhareed lagu qabtay Caasimada Hargaysa Waxaanu Bulshada u soo Jeediyey Ahmiyadda ay leedahay in ILAAHAY loogu Mahad-naqo Nimcooyinkiiisa uu inna siiyey, maaddaama oo ILAAHAY (SW) uu inoo sheegay in Addoomada ugu Mahad-naqa Nimcooyinkiisa uu u kordhinayo.
Sheekhu waxa uu sheegay in markii ILAAHAY Raxmaadkiisa inoo shubay loogu mahad-naqay in Caasimadda Hargeysa lagu qabto Bandhig-dhareed uu sheegay inuu yahay Dhaqan Xun oo meel kale looga soo waariday Shacabka Muslimka ah ee Reer Somaliland, waxaanu ku taliyey in lala dagaalamo arrimahaa oo noocaas oo kale ah.