Sheekh Aadan Siiro oo Dilalka Saraakiisha Ciidamadda ku Xidhiidhiyey Maamul Xumo Baahsan oo dalka taala
Hargaysa 5.March 2016 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaaladda Nabadgalyo ee Somaliland, Caddaaladda iyo Dilkii dhawaan deegaanka Biyoole loogu geystay Taliyihii Booliiska ee Gobolka Saaxil Marxuum Caseyr.
Sheekh Aadan-Siiro, waxa Xukuumadda, Culimada iyo Madax-dhaqameedka ugu baaqay in laga wada shaqeeyo adkaynta Nabadgalyada, isagoo ka digay in hawlaha Doorashooyinka iyo dhacdooyinka ka taagan Dalka uu Cadowgu ka faa’ideysto.
Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxaynu arkaynaa Dilkii u dambeeyay ee Berbera, waxaynu arkaynaa Dhacdooyin badan oo Waqooyiga Hargeysa ka mid yahay oo Dalka ka taagan, Arrimahaa waxaan ku taxliilin doonaa in Sababteedu tahay in Hoggaankii Ummaddu leexday, Somalilandna badbaado u baahan tahay.”
Sheekhu waxa uu ka hadlay waxyaabaha muhiimka u ah adkaynta Nabadgalyada iyo wada jirka Ummadda, “In Caddaalad la helo oo Dadku u sinnaadaan waxay wada leeyihiin inay tahay Gogosha Nabadda, inay tahay Gogosha Ururinta Bulshada, inay tahay Gogosha iyo Yoolka waxa Qofka Bani-aadamka ahi hiigsanayo, Maaddaama oo aanay jirin wax kale oo Qofku ku qanci karaa. Godobi waa Caddaalad la’aan, Nabad la’aani waa Caddaalad la’aan, waayo? Dadka Muslimiinta ee meel ku wada nooli hadday u sinnaan waayaan Talada iyo Hantida Dhulku ka mid yahay waa waxa keenaya Nabadgalyo darada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Caddaaladdu waxa weeyeen in Ummadda meeshaa joogta lagu xukumo Xaqu wuxuu yahay. Asaxaabada Nebigeennu marka Arrin ku adkaado ayay Rasuulka (SCW) ku odhan jireen Arrinkaasi wuu adag yahay oo lama liqi karayee ma ILAAHAY baa ku faray sidiisaanu u raaceynaaye, mise waa Fikirkaaga?. Rasuulku (CSW) hadduu yidhaahdo ILAAHAY baa I faray sidaas ayay ku qaadan jireen oo waxay ogaayeen inuu khayr badan ka dambeeyo, markaa Caddaaladdu maaha sida Dad gaar ah oo Dan lihi u arkayaan, laakiin waa Xaqa iyo Wanaagga oo la xukumo. Caddaalada aynu ka hadlayno Culimadu waxay yidhaahdeen waa in Qof walba Xaqiisa la siiyo, in Dadka loo simo Xaqooda marka wax la qaybinayo. ILAAHAY (SW) wuxuu ku yidhi Suuradda Naxli, waxa la idin farayaa inaad Caddaaladda Sugtaan oo aad u samo-fashaan oo aad wax tartaan Dadka Jilicsan Samo-falka. ILAAHAY wuxuu idiin diidayaa wax kasta oo xun oo Sharcigu diiday iyo Xad-gudubka. ILAAHAY wuxuu Xadiisul-qudsi ku yidhi, ha is dulmiyina.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa kale oo uu ka hadlay Dilka Taliyihii Booliiska ee Gobolka Saaxil iyo hannaankii loo galay Xalkeeda, “Waxaanu aad uga xunnahay Dhacdadii Berbera ka dhacday oo ahayd waxaan la aqbali kareyn. In Qof Muslim ah loo dilo sabab la’aan Caqli iyo Sharci meel ay ku taallo ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inaan Dadkii ehelka u ahaa xalka arrintaa aan loo dirin, “Arrinta ka sii layaabka badan waxa weeyeen, waxa la yidhi waxa la dirayaa Koox Arrinka (Dilka) soo Xalliya, waxa Magaalada jooga Suldaanka Beelaha Subulaha illaa Saaxil oo sita Magaca Saldanad 850 Sannadood soo jirtay, laakiin markii la dirayay kooxdaas ayay qolooyinkii ka shaqeynayey yidhaahdeen yaa inna Ogol oo aynu dirnaa..Hebel..hebel, laakiin ILAAHAY wuxuu yidhi markaad Ammaano celinaysaan Ehelkeeda u celiya, markaad Dadka kala xukumaysaana waa inaad Caddaalad ku kala saartaan.”
Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa ku soo qaaday Xadiis laga Wariyey Nebigeenna Suuban, kaas oo Sheekhu ku dabaqay Xaaladaha Wakhtigan Somaliland qaarkood, waxaanu yidhi, “Xadiis layaab badan oo uu soo wariyey Imaamu Muslim oo ka waramaya inaad Aamintu inay Shuruudihii Qiyaamuhu jiraan, ayaa odhanaya ‘Waxa iman doona Wakhti Qofka Runta sheega la odhan doono waa Beenaale, kii Beenaalaha ku qornaana waa la rumaysaysan doono, kii aaminkaa ahaa waxa la odhan doonaa waa Khaa’in, Ummaddana waxa Afhayeen looga dhigi doonaa kii ugu liitay’.”
Sheekha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Sarkaalkaa Booliiska ee Berbera lagu dilay waa Sarkaalkii Imisaad ee la dilo inta Xukuumadda KULMIYE Dalka u talinaysay?, waxaanu u arkaynaa Maamul Xumo, waxaanu u arkaynaa qaybi oo xukun, laakiin waxaanu Dadweynaha kula talinaynaa waar Nabadgalyadiina ilaashada, waad ogtihiin labaatan Sannadood ayaa Koontiinaro lagu dhex tukadaa Xamar, Dadkii kale ee cibaadeysanayey aaney Salaad Subax tagin Masaajiddada ‘Subxaanallaah’ isagoo Qofku ka baqaya in Sabab la’aan loo dilo. Markaa Nabadgalyadeenna Shacabku ma dhaqdhaqaajinayaan ee Maamul Xumo ayaa jirta, Fasahaad dhaqaale ayaa jira, Musuqmaasuq baa jira, waxaasina waxay keenaysaa in Dadku soo ooto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu baaq u diray Xukuumadda, Culimada iyo Salaadiinta Dalka, “Xukuumadda, Culimada iyo Salaadiinta waxaanu kula talinaynaa, Somaliland hadaf bay lahayd, Cadow badan ayaynu Hadaf u lahayn, laakiin Doorashadaa iyo waxaa jira waa laga faa’ideysanayaa oo waxaanu aragnaa in la dhaqdhaqaajinayo Qabaa’ilka iyo Dad badan oo fidmo wada oo Dadka la isku dirayo oo aan Dadka si wanaagsan loo kala saareyn. Maamulka waxaanu leenahay Nabadgalyada hala ilaaliyo, Qabaa’ilka Runta ha loo kala sheego oo si wanaagsan ha loo kala saaro.”