Shax Muujinaysa Cida Ka qayb qaadatay Tartanka Koobka Ramadaan ee Magaalada Ceerigaabo oo la soo Bandhigay
Ceerigaabo 31.July (SDN) Waxa horaantii bishan ramadaanta ka furmay garoonka kubada cagta ee Daallo Stadium ee Magaalada Ceergaabo wareeg kubada cagta ah oo ay ka qaybgaleen 12 kooxood oo ah dhalinyarada ku nool gobolka sanaag gaar ahaan magaalada Ceergaabo
Koobkan waxa qabanqaabiyay koox Wakhtigood hurayaal ah oo isugu jira dhalinyaro iyo sportigii hore ee gobolka Sanaag ka dib markay arkeen baahida loo qabo in dhalinyarada lagu dhiiri galiyo Sports ka si looga hortago belwada iyo anshaxa xumada ay ku kicikaraan dhalinyaradu.
Hadaba gudida qabanqaabada koobka ramadaanta Magaalada Ceergaabo waxay halkan uga mahadnaqayaan cid kastoo ka qayb qaadatay oo gacan taageero iyo mid dhaqaaleba ka geysatay qabsoomida iyo sii wadida koobkan iyo ciyaaraha.
Agaasimida iyo isku dubaridka koobkan iyo guud ahaanba wixii agab sports ku baxay waxay ahayd lacagdhan 2310$ Dollar waxana ugu horayn kharashkaas loo soo bandhigay inay ka qaybqaataan Shirkadaha, Ganacsatada iyo dadkii iyaku awood dhaqaale lagu tabayey, waxana looga qayb qaatay sidan.
Wadarta lacagta la Rabo = 2310 Wadart Lacagta la hayo = 175$ Lacagta Dhiman = 2135$ |
u jeedada loo qaatay liiskani waa Dardar gelin in laga qaybqaato Harumarinta Arimimaha Bulshada Waxana laga codsanayaa cidii kaalmo dhaqaale ku darsanay Hawshan in ay u furantahay meel Kastaad joogto Walina Waxa dhiman lacag dhan 2135$ kuma koobna Dadka dhaqaalaha laga rabaa inta liiskan ku qoran laakiin waa cidii awooda oo dhan si halkan magaciisu uga muuqdo
Ceerigaabo SDN.