|

Sharraxaad Ku Saabsan Khaladaadka Ka Buuxa Degreetada Madaxweyne Siilaanyo Xilka Kaga Qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Hargeysa:April,19,2015(SDN/QJ)-Waxa Soo baxaya Khaladaad sharci ee Ku jira Degreetadii xalay kasoobaxaday Aqalka Madaxtooyada oo xilkii lagaga xayuubiyey Guddoomiyihii Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo caydhintiisu ka Baxsan tahay Awoodda Madaxweyne Siilaanyo.

dhaloDegreetada Guddoomiyaha lagu caydhiyey oo  xalay soo baxday, ayaa meesha lagaga saaray Awooddii Distooriga ahayd ee Labada Gole qaran ee Guurtida iyo Wakiillada, waxana lagu muujiyey awood khaldan oo  la siiyey madaxweynaha, taas oo  lagu eryey Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Dalka.

Sida Distoorku qabo, Caydhinta Guddoomiyaha Maxakamdda Sare madaxweynuhu  Xilka waa uu ka qaadi karaa, balse waxa arrintaas si wada jir ah uga Arrinsanaya Labada Gole oo fadhi wada jir ah yeelanaya, kuwaas oo dooddaada kadib Caydhinta madaxweynaha diidi kara, isla-markaana Ayidi kara.

Sidaa daraadeed Madaxweynuhu waxa uu xaq u leeyahay inuu labada Gole usoo jeediyo inay tallaabada uu qaaday ay Waajibkooda ka Gutaan, balse Degreetadan taasi waa ay ka maqan tahay oo kuma qorna, waana ta keentay in la tuhmo waddada loo maray xilka qaadista Guddoomiyaha.

Ma aha markii ugu horraysay Madaxweyne Siilaanyo xilka qaado Guddoomiye Maxkamad sare, balse afar sano ka hor ayuu madaxweyne xilka ka qaaday Guddoomiyihii xilkaas ugu horreeyey Mudane Oomane, balse, markaa Degreetadiisa waxa uu ku xusay  awoodda lama dhaafaanka ah ee Labada Gole oo ah inay Waajibkooda ka Gutaan.

Sharci-jabintan, ayaa si weyn looga dareemayaa Bulshada dhexdeeda, waxana la filayaa in arrintani abuurto muran sharci oo keeni kara in Guddoomiyuhu aanu Xilkaas ka tegi karin, maadaama loo maray dariiq sharci darro ah.

Halkan ka Akhri Hannaankii ay  u taallay Xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii hore mudane Oomane meesha lagaga saaray oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo:

“Waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku kala Diray Guddida Garsoorayaasha Maxkamada Sare isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Gudooomiyihii Maxkamada sare, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada u gudbiyey xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare, sida uu sharcigu tilmaamayana waxa uu madaxweynuhu ka Codsaday in ay Waajibkooda Sharci ka gutaan kana aqbalaan xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare”

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed