SHARMA’ARKE: Dowladda Mareykanka Waa inay naga Taageertaa Dhismaha Dowladda Cusub
Muqdisho (QJ/SDN) – RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo safar Shaqo u joogo Dalka Mareykanka, ayaa kulan la Qaatay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Mareykanka oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya.
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii lagu Xoojin lahaa Wada-shaqeynta Xukuumadda Soomaaliya kala dhaxeyso Dowladda Mareykanka waxyaabihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya laga Taageeri lahaa Dhinacyadda Dhismaha Ciidanka, Horumarka Dhaqaalaha iyo Siyaasadda .
Sidoo kale, RW Sharma’arke ayaa sheegay in waxyaabaha ugu Muhiimsan ee ay ka rabaan Dowladda Mareykanka ay tahay inay Soomaaliya siiso Taageero ka duwan midka ay hadda siiso xiliga ay soomaaliya hesho dowlad aanan aheyn mida hadda jirto .
Ugu dambeyntii, Xukuumadda Mareykanka – Waxay ka mid tahay Dowladaha Somalia ka Taageera dhanka Ciidamada iyo Siyaasadda, Waxaa xusid mudan in Mareykanka ay ciidan daraasiin-gaaraya ay ka joogaan dalka Soomaaliya kuwaasi oo tobobarka iyo Amaanka ka Caawiya Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa ka socda qaar ka mid ah dalalka dhaca Qaaradda Afrika. Kuna jooga Howlgalka AMISOM.