Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay
Muqdisho Dec 15 2012 (SDN)-Guddoomiyihii hore ee Baralamanka KMG ahaa ee Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gordhaw ka soo dagay garoonka diyaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.
Shariif Xasan Sheekh ayaa waxa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho xubno ka tirsan barlamanka Soomaaliyeed iyadoona loo galbiyay aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Xidhibaan Shariif Xasan Sheekh ayaa sida la rumeysan yahay ka yimi Magaalada Dubai ee dalka Iskutaga Imaaraadka carabta halkaasi oo uu muddooyinkii danbe uu ku suganaa.
Guddoomiyihii hore ee Baralamanka KMG ahaa ayaa hada ku sugan guri uu ka dagaana sida la sheegay Madaxtoyada waxaana gurgiisa ku sugan tiro saxafiyiin ah oo sugaya in uu la hadlo.
Warar hoose oo aan la xaqiijin Karin ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Baralamanka KMG ahaa ee Shariif Xasan Sheekh Aadan uu damacsanyahay in uu ku dhawaaqo Maamul goboleed cusub.
SDN-Muqdisho