|

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laga xanyuubiyay xilkii gudoomiyenimo

Muqdisho 13, December 2011 (Qurbejoog.com)- Kadib markii maalmihii u dambeeyay Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo fadhiyo ku yeelanayay gudaha Magaalada Muqdisho ay sheegayeen in kalsoonida ay kala laabanayaan ayaa hadana maanta Xildhibaano kulan ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho waxa ay xilkii kaga qaadeen guddoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

283-Xildhibaan oo maanta isugu yimid Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay xilkii kaga qaadeen gudoomiyihii barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay tilmaameen in uu ku takri falay Axdiga KMG ah.

Xildhibaanadaani oo badankoodu wajiyadoodu ay ka muuqdeen caro badan ayaa waxa ay si xasarad leh cod ugu qaadeen guddoomiyihii barlamanka, waxaana kasoo horjeesatay Shariif Xasan Sheekh Aadan 280- 1- wuu ka aamusay labona way diideen in xilka laga qaado gudoomiyihii hore ee barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Intii uu socday kulanka Mudanayaasha barlamanka ayaa waxa ay Xildhibaanadu sheegeen in fadhiyada barlamanka uu shir guddoomin doono Madoobe Nuunoow Max’ed, iyagoo codeyn kadib guddoomiyihii barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ka qaaday xilkii islamarkaana ay sheegeen in uu yahay Xildhibaan ka tirsan barlamanka.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay guddoomiyihii maanta ay Xilkii ka qaadeen Mudanayaasha barlamanka, hase ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa soo baxayay khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Xildhibaanada iyo gudoonkii sare ee baralamanka Soomaaliya.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed