|

Shariif Xasan oo noqday madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed

Baydhaba 17.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa galabta ku guuleystay doorashada madaxtinnimada ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

SHARIIF XASANDoorashada oo ahayd gacan-taag ayaa Shariif Xasan waxaa u codeeyay 396 xubnood, waxaa diidday 15, siddeed kalena way ka aamuseen.

Murashaxiinta kale ee u taagnaa xilka madaxweynaha ee kala ah Avv. Axmed Maxamed Caddow iyo Maxamed Xasan Fiqi ayaa tanaasulay codeynta ka hor.

Doorashada waxay ka dhacday xarunta uu shirka uga socday ergada maamul u sameynta Koonfur-galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa u mahadceliyay ergada shirka, wuxuuna ballan-qaaday inuu diiradda saari doono ammaanka iyo dib-u-heshiisiinta dadka dega gobollada uu maamulkaasi ka arrimin doono.

Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa lagu sheegay in dowladdu aysan aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda shirka.

Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ayaa 9-kii bishan soo jeediyay in la hakiyo shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, inkastoo uu sii socday.

Comments are closed