Sharci lagu Soo Rogay Shirkadaha iyo Hay’adaha ka Hawl gala Somaliland ee Ajaanibka ah
Hargeysa, 17 April 2015 (SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay sharci ku soo rogtay shirkadaha iyo hay’adaha ka hawlgala Somaliland, isla markaana ku amartay in xafiiska ogolaanshiiyaha ka diiwaangeliyaan shaqaalaha ajaanibka ah ee la sheegay.
Sidaa waxaa lagu sheegay qoraal uu boggiisa facebook-ga ku shaaciyay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, waxaanu ku sheegay in talaabo laga qaadi doono cidii aan furin amarka la soo saaray.
Qoraalka wasiirka oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan; “Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada waxay ku wargalinaysaa Shirkadaha iyo hayadaha in Shaqaalaha ajenabiga ah ee la shaqeeya ka diiwaan galiyo Xafiiska oggolaansha shaqo (Work Permit), muddo bil gudaheed.Wixii ka dambeeya waxaa loo aqoonsanayaa qof sharcigii ku gafay,Waxaana lala tiigsanayaa Sharciga” Ayuu ku yidhi.