|

Sharci-dejiyeyaasha Khaatumo oo Xilkii ka Qaaday Ku Xigeenkii Hogaamiyaha Khaatumo Mr Caga-lule

Buuhoodle 04. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Khaatumo ee dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, wadahadalka kula jirto, ayaa sheegay inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku-xigeenkii maamulkaas Mr. Cabdalle Maxamuud Haybe (Caga-lule).

Fadhi qaybta sharcidejinta Khaatumo ku yeesheen Buuhoodle oo ay ka soo xaadireen 22 xubnood, ayay 18 ka mid ahi ogolaadeen in xilka laga xayuubiyo Caga-lule oo ay ku eedeeyeen inuu Muqdisho kaga qaybgalay shir doceedyo lagu mijo xaabinayo wadahadalka u socda maamulkaas iyo xukuumadda Somaliland, sida uu ku dooday madaxa Baarlamaanka Khaatumo Maxamed Xaaji Cumar.

Mr. Caga-lule oo Buuhoodle ku sugan, ayaa ku adkaystay in isaga iyo madaxdhaqameedka Khaatumo ay wadajir ugu dooneen Muqdisho wax uu ugu yeedhay inay dawladda Soomaaliya kala hadlaan xuquuqda dadkiisa. Waxaanu Prof. Cali Khaliif ku eedeeyay inuu masiirkii bulshadiisa ku bedeshay inuu hoos geeyo Somaliland.

Somaliland iyo Khaatumo ayaa heshiis nabadeed oo shan qoddob ka koobnaa wadagalay 17-kii June ee la soo dhaafay.

Comments are closed