Shaqo la’aan soo wejahday reer Puntland
Garoowe (QJ) – In ka badan 500 oo shaqaale samafal ah, oo isugu jira shaqaale sare, shaqaale dhexe, shaqaale hoose, darawalo, iyo xirfadlayaal kala duwan ayaa shaqada laga fariisiyay tan iyo bishii December ee sannadkii hore ka dib markii hay’adihii ay u shaqeynayeen ay waayeen lacag ay ku bixiyaan mushaaraadkooda sababo la xiriira mashaariicda la joojiyay.
Qaar ka mid ah xafiisyada hay’adahan ku leeyihiin Puntland ayaa qorsheynaya inay xiraan bartamaha sanadkan ka dib markii ay ku guuldareysteen inay helaan dhaqaale. Sidoo kale, xafiisyo ay hore ugu shaqayn jireen 20 qof ayaa hadda ku shaqeeya 5 qof oo kaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Xaaladdu way ka sii dartay labadii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo shaqada laga fadhiisiyey dad badan ka dib markii ay joojisay dhaqaalihii ay ka heli jirtay USAID, taasoo taageertay mashaariic badan oo horumarineed iyo kuwo bani’aadanimo.
Hay’adaha fadhigoodu yahay Puntland ayaa horey u waayey qaar ka mid ah mashaaricdii ay ku shaqeynayeen, sababo la xiriira khilaafka DFS iyo Puntland.
Shaqo la’aanta soo food saartay shakhsiyaadkan ayaa saameyn doonta tobanaan kun oo qof oo ku tiirsan dakhligooda. Intaa waxaa dheer, boqollaal ganacsi oo ku tiirsanaa mashaariicdan dakhliga ayaa sidoo kale wajahaya dhibaatooyin dhaqaale.