|

Shaqo Joojintii Xawaaladaha Somalida ee Maraykan oo Khamiista Maanta dhaqangalaysa

Washington 19.Feb 2015 (SDN/QJ) Iyadoo dhawaan Maraykanu uu joojiyay xidhiidhkii xawiladdaha Soomaalida kala dhexeeyay Bangigii ugu dambeeyay ee lacgaha lasii marin jiray ayaa la isku dayay inay hawlahooda dib u billaabaan, iyada oo ay arrrintan ka shaqeeyeen arrintaa madaxda Maraykanka qaar ka mid ah sida xildhiban Keith Allison iyo rag kale ayaa wax nadiijo ah laga gaadhi waayay.

dollarHadaba shir ay isagu yimadeen habeenkii xalay ururka ay ku midaysan yihiin xawalaadaha Soomaaliyeed ee SAMSA ayay go’aan ku gareen inay gabi ahaanba hawlaha lacag diriddu ku ekaan doonto maalinta Khamiista bishan Feberaayo ay ku beegan tahay 20-ka.

 

 

Sidoo waxa in gabi ahaan ay xawaaladauhu ay Maraykanka oo dhan ka istaagi doonaan Maanta oo Khamiis ah iyadoo aanay Jiri doonin Wixii Maanta ka danbeeaya lacag laga soo diro Maraykan ilaa xal laga gaadho amarkan Cusub ee Bangiyadii Xidhiidhka la lahaa Xawaaladaha Somalida.

Dhinaca kale waxa socda dadaalladii lagu doonayay sidii loo af-meeri lahaa xayiraaddan oo soo socatay labadii sano ee ugu dambeeyay, iyada oo loo soo qaadan karo tusaale, in laba sano ka hor uu joojiyay xidhiidhkii uu la lahaa Xawaaladaha bangigii ugu dambeeyay ee lacagta ay sii marin jireen xawaaladaha kasoo ahaa Sunset Bank.

Xawaaladaha ayaa markaas kaddib waxay lacagaha marin jireen Bangi ku yaalla gobolka California, kaas oo toddobaadkan joojiyay gabi ahaan xidhiidhkii uu xawaaladaha ay Soomaalidu istcimaasho Soomaalida.

 

Comments are closed