Shaqo Joojin Socota Maalintii Labaad oo ay Sameeyeen Shaqaalaha Muruq Maalka ah ee Dekeda Berbera Iyo Aamusnaanta Shirkadda DPW ee Maamusha Dekeda Berbera
Berbera 20. July 2017 (SDN/QJ):- Shaqaalaha waxna rogo waxna rara ee dakadda Barbara ayaa maalintii labaad galay shaqo joojin ay sameeyeen waxaanay ka cabanayaa Xuquul la,aan ay kala kulmeen shirkadda gacanta ku haysa dakadda barbar ee D.P.World.
Shaqaalahan ayaa sheegay in xataa haddii qofku ku dhaawac ama waxyeelo ka soo gaadho hawsha ay hayaan ee rarista ama rogida aan loo hayn wax Xuquud ah.
Xukumadda Somaliland Ayaan ka hadal mudadan labada cisho ah ee ay xaniban tahay dakaddu ee aan waxna la godin waxna la rarin,
Dakadda Barbara ayaa waxaa taagan Maraakiib iyo doonyo badan ma jirto ilaa imika wax xal ah oo laga gaadhay arrinkani
Wakhtigii lagu wareejinayay dakadda D.P.World ayaaa shaqaalahan loo balan qaaday in waxii xuquuq ah la siin doono.